Xaaladda Buulaburde oo dagan iyo Isgaarsiinta oo hawada ku soolaabatay .

Xaaladda dagmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa dagan hada ka dib weerar Kooxda Al-shaab ay ku sooqaadeen saldhig ciidamda Nabad ilaalinta ah ee Amisom ay ku leeyihiin deegaanka .

Saldhigaan waxaa sigaar ah u adeegsada Ciidmadda Hiil-walaal ee Dalka Jabuti oo qayb ka ah howl-galka xasilinta iyo hubka dhigista Soomaaliya, wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus .

Adeega isgaarsiinta ayaa hawada ka maqnaa in ku dhow mudo 5 saacadood ah , ilaa hada lama xaqiijin qasaaraha dhabta ah ee ay sameebeen madaafiicda la isku adeegsaday .

Xiriir aan la sameynay dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in hada ay istaageen maqalka madaafiicda , lkn wali waxaa hakad ku jiraa isku socodka gadiidka .

 


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




..