Nin Ganacsade ah oo lagu dilay magaaladda Bosaaso.

Wararka ka imaanaya magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in goor dhaweyd rag ku hubaysan Bastoolado ay ku dileen gudaha  magaaladda nin Ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Jaamac Axmed oo horay uga tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Nationlink ee Puntland .

Ilaa iyo hada lama xaqiijin cida dishay iyo sababta ka danbeysa dilka , warar horudhaca  ayaa sheegay in ragii dilka gaystay ay ka baxsadeen goobta , waxaan daqiiqado kadib goobta soogaaray ciidamada Booliska ee magaaladda Bosaaso.

Saraakiisha amaanka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay dhacdadaan ka hadalaan.

WIXII KA SOO KORDHA KALA SOCO ALLPUNTLADN.NET.


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




..