Madixii Dilalka qorsheysa ee Muqdisho oo laqabaty.

Howl-gal ay ka sameeyeen ciidamada Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxaay gacanta ku soo dhigeen Madixii ciidamada Amniyaadka ururka Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorshaysan ee ka dhaca caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabashadda sarkaalkaan ka tirsanaa ururka AL-shabaab iyo Magiciisa oo uu ku sheegay C.wahaab Khaliif Axmed ( Ciise Turaabi ) oo uu sheegay wasiirku inuu hada ninkaas ku jiro gacanta ciidamada Nabadsugida oo su’aalo weydiinaya .

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in howl-galkaan uu socon doono ilaa ay muqdisho nabad ka noqonayso , saacadaha soosocda ayuu sheegay in loosoo bandhigayo warbaahinta muuqaalka ninkaan .

 


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




..