Guddiyada wadda xoojoodka Gobolka Mudug oo yeelanaya kulan dagdag ah .

Gudiyada wada xaajoodka gobolka Mudug ayaa saacadaha soosocda ku yeelanaya magaaladda Gaalkacyo kulan dagdag ah oo ay oga hadlayaan weerar dabley ka soo jeeda deegaanadda Gal-Mudug ay ku sooqaadeen deegaanka Teeraga oo dhaca duuleedka magaaladda Gaalkacyo .

Guddiga dhinaca Puntland ayaa talaabadaan u arka in ay halis galin karto heshiiska aan cagaha badan ku taagneyn ee ay 24 uun ka hor gaareen guddiyada labada dhinac ay gaareen . (Puntland & Gal-Mudug ).

Dhacdooyin sidaan ah oo soolaalabtay ayaa wiiqay heshiisyo horay loogu gaaray magaaladda Gaalkacyo , kuwaas oo ay kala sixiixden madaxweynayaasha Gal-Mudug iyo Puntland .

Dowladda Fadaraalka ah ayaa wada dadaal ay doonayso in Nabad loogu soo dabaalo guud ahaan Gobolka Mudug , waxaana arintaas magaaladda Gaalkacyo u jooga Wasiirka wasraadda Arimaha gudaha & Fadaraalka Cabdi Faarax Siciid “JUXA” .


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




..