Falanqeyn: Haddii Dayax Yimaado Xidig Waxba Ma Ifiyo!

Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ahayd mid saamayn xooggan yeelatay, waxayna calaamatu su’aal saartay cida noqon karta Madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo taageero ka helay dhamaan Xildhibaanada ayaa noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna helay Aqlabiyadii uu u baahnaa Wareegga 1-aad ee Doorashadda.

Jawaari wuxuu taageero ka helay Xildhibaanada Waqooyi Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo Xildhibaano kale oo kooban oo kaso galay Baarlamaanka Jowhar iyo Cadaado.

Xildhibaanada beesha Daarood ayaa kaso horjeeday in Xidig uu noqdo Guddoomiye, waxaana jira Musharixiin Miisaan leh oo kaso jeeda Daarood oo doonaya inay noqdaan Madaxweyne, kuwaas oo Ol’ole u galay inuu Xidig meesha ka baxo.

Jawaari iyo Xidig mar labaad ayay isku arkeen fagaaraha tartanka, waana markii labaad oo Jawaari uu guulaysanayo.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa ka waya-aragsan, kana galangal badnaa Jawaari, waana tan keentay in Xidig uu mar kale qaado Wadadii fashilka iyo dhamaadka.

Cabdi Rashiid Xidig oo taageero ka helayay Itoobiya, Shariif Xassan iyo Xildhibaano kooban oo DAMU-JADIID ah ayaa mar kale ka dhacay jaranjarada Siyaasadda.

Laakiin markaan wuxuu qaaday waddo la yaab leh, wuxuu maanta sheegay inuu noqonayo hormuudka isbadalka, uuna doonayo in Soomaaliya uu isbdal ka dhaco Kuraasta hartay.

Waxaa dadka Siyaasadda faaleeya ay u arkeen in Xidig uu fariintan u diray Xassan Sheekh ujeedadeeduna ay tahay inuu ka qayb qaadanayo sidii DAMU-JADIID ay u fashulmi lahayd.

In kasta oo Jawari uu guulaystay, hadana waxaa lagu yaqaanay inuu ahaa nin an ku adkayn Sharciga, isla markaana qaata wax kasta oo Madaxtooyada looga soo yeeriyo.

Doorashadda maanta dhacday waxay muujisay in Xildhibaanadu ay doonayaan isbadal inuu dhaco, waxaana la saadaalinayaa laga bilaabo maalinta bari oo la dooran doono Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka inuu bilaabanayo isbadalku.

Ugu Dambayntii Maanta Xaaladu waxay isugu biya shubatay meel Dayax joogo Xidig waxba kama ifiyo oo macnaheedu uu yahay in Dayax uu noqday Jawaari.

www.allpuntland.net

 

 


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wax Ka Ogow Farole Oo Isdiiwaan Geliyay Iyo Taageerada Uu Haysto
- Jan 28, 2017
Musharax Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah is diiwaan geliyay, ...
Imisa Musharax Ayaa Isdiiwaangeliyay?
- Jan 28, 2017
Maalinta bari oo Axad ah ayay ku egtahay Diiwaangelinta Musharixiinta, waxaana illaa iyo hadda ...
Wax Ka Ogow Ganacsade Maanta Lagu Dhaawacay Boosaaso
- Jan 28, 2017
Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa lagu dhaawacay Ganacsane Burhaan Ilka-dhagax oo ka mid ah ...
XOG: Farole Iyo Cumar Cabdirashiid Oo Kala Qaaday Laba Waddo
- Jan 28, 2017
Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole iyo ...
Sawiro: Farmaajo Oo Maanta Isdiiwaan geliyay
- Jan 28, 2017
Murashax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxwaynaha Soomaaliya ...
Sawiro: Xaggee Maanta Ku Sugan Yahay Madaxweyne Gaas?
- Jan 28, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan degmada Bandar-Bayla ee ...
Sawiro: Wax Ka Ogow Hawo Muhiima Oo Ciidamada Badda Puntland Ay Ka Wadaan Gobolka Mudug
- Jan 28, 2017
Ciidamada badd Puntland ayaa hawlo biyo dhaamain ah ka wada degmada Jariiban iyo deegaano ...
Nabadoon Muuse Xaaji Faarax Oo Ku Dhintay Magaalada Boosaaso
- Jan 28, 2017
EEBE ha u naxariistee waxaa magaalada Boosaaso ku dhintay Marxuum Nabadoon Muuse Xaaji oo ...
ALLPUNTLAD Oo Ogaaday Saldhiga Wada Hadalka Xassan Iyo Farole Iyo Natiijada Kaso Baxday
- Jan 28, 2017
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa Magaalada Muqdisho kulan ...
XOG: Maxaa Ka Socda Degmada Qandala Ee Gobolka Bari?
- Jan 28, 2017
Degmada Qandala iy deegaano hoostaga ee Gobolka Bari ayaa waxaa gaaaray ciidamo ka tirsan ...