Faallo: Xaggee Ku Dambeyn Doonaa Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Shariif Xassan Sheekh Aadan?

Waxaa dhici karta akhristow in aad la yaabto cinwaanka maqaalka, laakiin ma ahan mid aad la yaabto bulshada waxaa ka mid ah dad ku fekera wax weyn isla markaasna gaara, waxaa ka mid ah qaar aan hawl badan u marin in ay gaaraan meel aad u sareysa, halka dadka qaarkiis ay ku qaadato waqti dheer oo hawl iyo shiddo wata, tusaale waxaa kuu ah Madaxwrynaha waqtiga xu=ilhayntiisu dhaamaday Xassan Sheekh Maxamuud, nasiibka iyo orodkuna ma sina.

Inta aynaan u gelin dulucda sheekada waxaa muhim ah in aan dulmar ku samayno sheeko lawada ogsoon yahay taas oo ah Musharaxa Fashilmay Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo sooyaalkiisa siyaasadeed

Shariif Xassan ayaa ahaan jirey Ganacsade degen dalka Kenya waxaa uu ka ganacsan jirey Qaadka miiraaga, Saamaha iyo Hargaha, waxaana uu fadhi kulahaa dalka Kenya. Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan waxaa masraxa siyaasadda lagu arkey bishii July sanadkii 2004 markaas oo uu u sharaxnaa jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaa uu doorasho kaga guuleystey Shiikh Adan Madoobe, waxaana uu noqdey caqabad hortaagan Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf muddo 16 bilood ah.

Bilowgii sanadkii 2006 ayuu Shariifku si dhuumaaleysi ah ku tegay dalka Yemen isaga oo ka soo tegey dhamaan saaxbadiis ay ku mideysnaayeen qorshihii gaw iyo gash maleh, waxaana uu kulan halkaas kula qaatey Madaxweynihii Dawladda Federaalka Cabdullaahi Yusuf, xubin ka agdhaweyd Madaxweynihii markaas ayaa isla sanadkaas ii sheegay in Shariifku arintaas u sameeyay kadib markii uu helay balan qaad lacageed, iyo in isku shaandheyn lagu samaynaayo Golaha Wasiirada isla markaasna la soo dhisi doono Raysalwasaare lagala tashaday isaga Golaha wasiiradana uu wax ka soo dhisi doono, taas oo dawladdii loogu raray Magaalada Baydhabo, dhamaan xildhibaanadii Dawladda marka laga reebo Hogaamiye kooxeedyadii hubeysnaa.

Hawga Karantiyo hilaacyada Bari iskuma heshide ,miduun ku hagaag miduun ku haldhabo

Waxay giraantu wareegtaba lagama joogin heshiiskii Yemen ee dhexmaray Cabdullaahi Yusuf iyo Shariif Xassan 6 bilood waxaa guulo la taaban karo gaarey Maxkamadihii Islaamiga ahaa waxaa nabad laga dhigey Muqdisho, waxaana shariifka uu hilaac uga baxay Muqdisho, halkaasna looga sacabo tumey.

Bishii September 18keedi Baarlamaanka Dawladda Federaalka ayaa u fariistey arin muhim ah in codka kalsoonida loo qaado Dawladdii Prof.Cali Maxamed Geedi waxaana dhacay markii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ka soo baxay baarlamaanka in qarax aad u xoogbadan lagula beegsadey banaanka Baarlamaanka, waxaana ku dhintey xubno badan oo kamid ah ilaaladiisa iyo nin la dhashey Madaxweynaha.

Qaraxu markii uu dhacay Guddoonka baarlamaanku waxa uu ku adkeystey in shirkii loo fadhiyey ee Baarlamaanka sii socdo iyada oo dhiigu qul qulaayo baarlamaanka hortiisa, waxaana uu quud daraynaayey in Dawladda Prof.Cali Geedi waayi doonto kalsoonida taas oo aan dhicin.

Qaraxii Madaxweyne Cabdullaahi ka badbaadey muddo yar kadib waxaa Shariifku u diga rogtey in uu tago Muqdisho heshiis keligiis ahna la saxiixdo maxaakiimta waxaana, halkaas mar kale ka bilaamay khilaaf, Shariifku kuma negaan Muqdisho kadib markii ay u cadaatay in waddanka ay soo buux dhaafiyeen ciidamo Itoobiyaan ah ayuu u baxsadey wadamada deriska ah, waxaana xilkii Gudoomiayaha loo doortey Shiikh Adan Madoobe bilowgii sanadkii 2007.

Muhimada hordhacan ayaa ah in Shariif Xassan uu ahaa nin katalabaayey shaqada uu hayo ee ah afhayeenka Baarlamaanka, waxaana uu markasta shukaanta ku qabsanaayey Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha, isaga oo doonaayey in uu heshiisyada caalamiga ah soo galo, safarada dibadda ka qayb galo, halka shaqadiisu ahayd in uu guddoomiyo shirarka Baarlamaanka.

Shariif Xassan oo loo malaynaayey in uu isaga dhacay jaranjarada Siyaasadda ayaa ka soo muuqdey Masraxa mucaaradka mar kale isaga oo ku biirey kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee shirka ku qabsadey dalka Ereteriya, waxaana uu faraqa ku xirtey Shariif Shiikh Axmed, waxaana uu gaarey heer uu ka qaybgalo shir looga hadlaayey arimaha Soomaaliya oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobey, isaga oo la baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka xorta ah!.

Shariif Shiikh Axmed ayaa habeenkii loo doortey Madaxweynaha waxa uu mahad gaar ah u celiyey Raysalwasaarihii hore Nuur Cadde, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey ninkii kula tartamay wareegii u danbeeyey ee Maslax Siyaad Barre, waxaana uu ugu danbeyntii sheegey in uu u mahad celinaayo Shariif Xassan Shiikh Adan taas oo markiiba dadbadan is weydiiyeen laakiin waxaa jawaabtii baxshey Madaxweynaha oo meeshaas ka sheegay in Shariifku tanaasuley sidaasna uu ku mudan yahay mahadin uuna yahay nin guuleystey.

Shirkii Jabuuti ayaa qorshaha u dejisnaa kooxda Asamara ay ahayd in doorasho loo sameeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha labadaas boos waxaa kala raadinaayey labada Shariif, beesha caalamka ayaase cadaadis ku saartey in ay iska ilaawaan booska Guddoonka Baarlmaanka, si dib u heshiisiin loo gaaro.

Shariif Axmed ayaa ka siiyey dawladiisi Wasiirka Maaliyadda Shariif  Xassan Sh.Adan  boos aad u culus kaas oo ah wasiirka Maaliyadda taas oo dad badan ka yaabisey maadaama aqoonta Shariifku aysan gaarsiisneyn heer jamaacadeed sida uu u wadi karo hawsha wasaaradda Maaliyadda, Laakiin Shariifka ayaa muujiyey in hankiisu halkaas ka sareeyo isla markaasna uu hogaamin karo xukuumadda oo dhan.

Shariif Xassan iyo 2017-ka.

Shariif Xassan ayaa mar kale kaso fuulay Jaranjarada Siyaasadeed maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana uu keensaday Muqdisho Xildhibaano ka badan Lixdan oo uu kaso dhaadhiciyay inay isku duubnaadan oo ay ku dadaalan sidii Beelaha Digil iyo Mirifle u heli lahaa Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare.

Wuxuu keenay Siyaasad uu ku doonayay inuu beelaha Daarood ku siiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, laakin waa ku fashilmay arrintaas.

Shariif ayaa hadda u muuqda mid ka dhacay Jaranjarada Siyaasadda, wuxuu maalmahan bilaabayaa inuu ku Gorgortamo Xildhibaanada uu haysto, waana Wadada kaliya ee u furan, waana nin hadba Jiho cusub kaso qabsada Siyaasadda.

Haddii uu guulaysto Saaxiibkii Shariif Sheekh Axmed waa suuragal in Shariif Sheekh Axmed uu dib uso fuulo jaranjarada Siyaasadda, laakiin hadduu soo baxo Madaxweyne kale, taas waxay ka dhigan tahay inuu Shariif guud ahaan ka dhacay Masraxa Siyaasadda Soomaaliya,

www.allpuntland.net         


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

DHAGAYSO: Dawlada Jabuuti Oo Qabatay Daroogo Dhan Boqol Milyan Oo Doolar
- Jan 23, 2017
Dawlada Jabuti ayaa gacanta ku dhigtay Daroogo nooca loo yaqaan Kookeynta, taas oo ku ...
Daawo Puntland” Xassan Sheekh Wiilasha iyo Gabdhaha Muqdisho Lagu Fara Xumeeyay Wax Ha U Qabto”
- Jan 23, 2017
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland ayaa ka jawaabtay hadalkii kaso yeeray Xassan ...
Sawiro: Wariyaasha Ka Hawlgala Gaalkacyo Iyo Dawlada Oo Wada Shaqaynaya
- Jan 23, 2017
Wariyaasha ka hawl gala magaalada Gaalkacyo iyo Maamulka ayaa isku afgartay inay wada shaqeeyaan, ...
DHAGAYSO: Beelo Ku Dagaalamay Caabudwaaq Oo Heshiiyay
- Jan 23, 2017
Waxgaradka degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal beeleed ka dhacay degmada ...
DEG DEG: Beesha Caalamka Oo Doonaysa In La Doorto Madaxweyne Cusub, Sababta Ogow?
- Jan 23, 2017
Warsaxaafadeed ay si wada jir ah uso saareen AU, EU, Ethiopia, Italy, Sweden iyo ...
DHAGAYSO: Waa Kuma Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya?
- Jan 23, 2017
Cabdi Xaaji Cabdullaahi ayaa shalay magaalada Muqdisho loogu doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ...
DHAGAYSO: Aniiso Cabdiraxamaan Oo Sheegtay In Gabadheeda Fal Kufsi Ah Ay Ugu Dhimatay Garowe
- Jan 23, 2017
Aniiso Cabdiraxamaan Faarax oo ah Hooyada dhashay gabar da' yar oo lagu kufsaday Garowe ...
XOG: Maxaad Kala Socotaa Gabar Da’ yar Oo Kufsi Loogu geystay Garowe, una dhimatay falkaa
- Jan 23, 2017
Bilowgii bishii November ee sanadkan 2016ka ayaa qoys qax iyo colaad ka soo daaley ...
Sawiro: Dhalinyarada Garowe Oo Qabtay Hawl Uu Ka Seexday Duqa Caasimada, Maxy Tahay Hawshu?
- Jan 23, 2017
Qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Garowe ee ee Caasimada Puntland ayaa ...
Dhagayso: Puntland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalka Xassan Sheekh Ee Kiiska Galdogob
- Jan 23, 2017
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska dawlada Puntland Aniiso Xaaji Muumin ayaa ugu baaqday ...