Maxay Ka Dhigan Tahay Doorashadda Guddoomiye Ku Xigeenada?

Doorashadda Guddomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Waxaa Doorashadan xiiso u yeelaya rag Miisaan leh oo meesha ku jira oo uu ka mid yahay Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Khadiija Mxamed Diiriye iyo Khaalid Macow Cabdulqaadir.

Waxaa u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka, ayaa kala ah Jeylaani Nuur Iikar, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, Faarax Sheekh C/qaadir, Khaalid Macow C/qaadir, Saciid Xuseen Ciid iyo Khadiija Maxamed Diiriye.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka waxaa u tartamaya 10 Musharax, waxaana ay kala yihiin:-

1.C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

2.Mahad Cabdalla Cawad.

3.Burhaan Aadan Cumar.

4.C/laahi Xuseen Cali (Cabdalla)

5.Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

6.C/wali Maxamed Qanyare.

7.C/laahi Goodax Barre.

8.Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

9.C/wali Ibraahim Aadan(Ibbi)

10.Maryan Axmed Haaruun.

Dadka Faaleeya Siyaasadda ayaa qaba Codadka uu helo Faarax inay yihiin kuwa saxda ee Xassan Sheekh Maxamuud uu haysto, waxaana haddii Faarax laga guulaysto ay ka dhigan tahay in DAMU-JADIID aysan taageero badan ku lahayn Baarlamaanka Soomaaliya.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa cayaaraya Kaar ah inay DAMU-JADID faham ka qaataan inay ku guulaysten Hanashada Xildhibaanadii ay soo saareen.

Doorashadda maanta ayaa go’aamin doonta Doorashadda Qofka Madaxweynaha ka noqonaya Soomaaliya.

www.allpuntland.net


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wax Ka Ogow Farole Oo Isdiiwaan Geliyay Iyo Taageerada Uu Haysto
- Jan 28, 2017
Musharax Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah is diiwaan geliyay, ...
Imisa Musharax Ayaa Isdiiwaangeliyay?
- Jan 28, 2017
Maalinta bari oo Axad ah ayay ku egtahay Diiwaangelinta Musharixiinta, waxaana illaa iyo hadda ...
Wax Ka Ogow Ganacsade Maanta Lagu Dhaawacay Boosaaso
- Jan 28, 2017
Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa lagu dhaawacay Ganacsane Burhaan Ilka-dhagax oo ka mid ah ...
XOG: Farole Iyo Cumar Cabdirashiid Oo Kala Qaaday Laba Waddo
- Jan 28, 2017
Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole iyo ...
Sawiro: Farmaajo Oo Maanta Isdiiwaan geliyay
- Jan 28, 2017
Murashax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxwaynaha Soomaaliya ...
Sawiro: Xaggee Maanta Ku Sugan Yahay Madaxweyne Gaas?
- Jan 28, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan degmada Bandar-Bayla ee ...
Sawiro: Wax Ka Ogow Hawo Muhiima Oo Ciidamada Badda Puntland Ay Ka Wadaan Gobolka Mudug
- Jan 28, 2017
Ciidamada badd Puntland ayaa hawlo biyo dhaamain ah ka wada degmada Jariiban iyo deegaano ...
Nabadoon Muuse Xaaji Faarax Oo Ku Dhintay Magaalada Boosaaso
- Jan 28, 2017
EEBE ha u naxariistee waxaa magaalada Boosaaso ku dhintay Marxuum Nabadoon Muuse Xaaji oo ...
ALLPUNTLAD Oo Ogaaday Saldhiga Wada Hadalka Xassan Iyo Farole Iyo Natiijada Kaso Baxday
- Jan 28, 2017
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa Magaalada Muqdisho kulan ...
XOG: Maxaa Ka Socda Degmada Qandala Ee Gobolka Bari?
- Jan 28, 2017
Degmada Qandala iy deegaano hoostaga ee Gobolka Bari ayaa waxaa gaaaray ciidamo ka tirsan ...