Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Bilaabatay

Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow si rasmi ah uga bilaabanaysa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha KMG ah ee Doorashadda Cismaan Cilmi Boqore oo ka hadlay furitaanka kulanka lagu dooranayo Xildhibaanada ayaa Xildhibaanada wax dooranaya uga digay inay dhaqdhaqaaq muujiyaan.

Waxaa inta aan Doorashadda la guda galin la dhaariyay mid ka mid ah Xildhibaanada cusub oo aan horay loo dhaarin.

Doorashada ayaa bilaabanaysa, waana Doorasho aad u adag oo saadaasheedu ay adag tahay, waxaase si horu-dhac ah loo saadaalinayaa in Jawari uu wareega ugu dambeeya iman doono.

Waxaa la guda galayaa codaynta Xildhibaanada, waxaa iminka socda Khudbado horu-dhac ah.

www.allpuntland.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *