DEG DEG- Akhriso Warbixinta Wasiirada Haweenka Puntland ay ka Akhrin doonto Kal-Fadhiga 39-aad ee Baarlamaanka Puntland

Allpuntland.net ayaa heshay Warbixinta ay Wasiirada wasaarada Haweenka Puntland Aniiso Xaaji Muumin ka Akhrin doonto Kal-Fadhiga 39-aad ee Golaha Wakiilada Dowlada Puntland.

Wasiirada ayaa soo jeedin doonta warbixin dheer oo ay uga hadlayso wax qabadkii wasaarada ee inta u dhaxaysay labada Kal-Fadhi.

sida caadada ah mar kasta oo kal-fadhi la furo waxaa lasoo gudbiyaa warbixinta wax qabadka Dowlada, ayadoo wasaarad kasta Golaha ka hor akhrinayso Wax qabadkeeda.

 

WARBIXINTA OO FAAHFAAHSAN

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska maxaa u qabsoomay 6dii bilood ee ugu dambeysay?

1) Dhismaha Wasaaradda oo dhamaystir ah

2) Siyaasaddaha:

-Daryeelka Caruurta oo la dhamaystiray dhaqan gelinteedana lagu jiro
-Qorshaha Taabagelinta Jinsiga (Gender Mainstreaming Toolkit) oo dhameystiran
-Siyaasada Jinsiga la dhameystiray laguna wado turjubaan

3) Mashaariicda Horumarinta Haweenka

-Kuwa ku wajahan dhiiragelinta haweenka oo laga wado Sanaag, Nugaal, Karkaar, Mudug, Gardafue, Bari, Sool
-In ka badan 300 haween oo ka mid ah dadkii abaaraha saameeyeen oo gacan qabsi loo sameeyay

4) Daryeelka Caruurta:
-Wasaaradda waxay gacanta ku haysaa in ka badan 280 caruur ah oo lagu kala hayo baahiyahoodana lagu hago Badhan, Dhahar, Gaalkacyo, Buuhoodle iyo Taleex

-Qiimeyn iyo ururin buuxda oo caruurta iyo haweenka oo laga sameeyay Sanaag, Sool, Bari, Mudug, Cayn iyo Haylaan (waa qeybtii labaad. Tii koowaad gobolada inta kale ayaa lagu sameeyay)

5) Taakuleynta Qoyayska Tacadiga Haleelay:
-Wasaaradda waxay gacanta ku haysaa ilaa dhowr reer oo tacadi haleelay

6) Gurmadka Abaaraha
-Wasaaradda waxay gurmad u fidisay in ka badan 800 oo qoys oo ay abaarta saameysay kana soo kala jeeda sagaalka gobol ee Puntland

7) Kobcinta Aqoonta Haweenka:
-Wasaaradda waxay aqoon kororsi u fidisay ilaa iyo 42 haween ah, aqoontaas oo ka mid ah: farsamada gacanta, sida loo ganacsado, iyo habka looga hortago tacadiga iyo fahamka xuquuqda haweenka iyo caruurta

-Haweenka Degmooyinka Baargaal, Xarfo, Dangorayo, Waaciye iyo Badhan ayaa ka socota xirfada barashada ganacsiga yar yar

8) Tababarka Shaqaalaha iyo Mutadawiciinta:
-In ka badan 16 tababar ayaa loo sameeyay shaqaalaha wasaaradda oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa ah kuwaasoo isugu jiray daryeelka caruurta, Siyaasada Jinsiga, ka hor taga tacadiga, u qareemida dhibanayaasha oo lagu qabtay Kenya, Itoobiya, iyo Soomaaliya

-Tababar joogta ah oo wasaaradda u qabato shaqaalaha kuwaasoo lagu kobcinayo xirfadahooda sida barnaamijyada loo qoro, qoraalada balbalaaran loo diyaariyo, loo tababaro dadka kale, la hadalka dadka iyo ka dhaadhicinta dhaqanka toosan

-Tababaro aqoon is weydaarsi oo ka dhaxeeya shaqaalaha, guurtida, dhalinyarada iyo caruurta kuwaasoo ku salaysan diinta, ku dhaqankeeda iyo sunaha

-In ka badan 42 dhalinyaro ayay wasaaradda u samaysay shaqo abuur oo kusoo biiray dhamaan xafiisyada sagaalka gobol kuwaas oo ah dhalinyarada wax baratay islamarkaana ka faaiidaystay xirfadaha wasaaradda u fidiso dhalinta.

 


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




..