(Sawiro) Deeq La Gaarsiiyay Reer Guuraagii U Hayaamay Gobolada Bari Iyo Karkaar Iyo Xaaladooda Noloeed

Wariye Faadumo Yaasiin Jaamac Oo Ah Wakiilka Idaacadda VOA ee Gobolka Bari ayaa deeq ay u Wakiisheen dad Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha iyo dibada gaarsiisay reer guuraagii u hayaamay gobolada Bari Iyo Karkaar.

Faadumo ayaa markii ay deeqda u qaybisay dadkii loogu talagalay dib ugu soo noqotay Boosaaso, waxaana ay diyaarisay Warbixintan Hoose;

Booqashadeydii Deegaamada ay u hayaameen reer guuraaga ay abaaraha saameeyeen iyo wixii aan ku soo arkay.

Iyadoo ay abaar baaxadleh ka dhacday dhulka soomaaliya ayaa waxaa Roobab lagu diirsaday ka daa’een dhulka soomlidu ay degto qaar ka mid ah inkastoo roobka xooga badani uu ka da’ay gobolda Punland qaar ka mid ah taasoo sabatay in ay u soo hayaamaan dadyoow soomliyeed farabadan kuwaasoo gadiidka xamuulka qaadaa ay haben iyo maalin ku soo qulqulayaan inta u dhexaysa Gobolada Bari iyo Karkaar sida degmooyinka Iskushuban iyo Bayla.

Dooxada Noobir iyo tooolooyinka cirifka ku hayaa gobolka Bari ayaa culayska ugu farabadani ka jiraa degsiimooyin farabadan oo isugu jira dadka Deegaanka iyo kuwo u soo naqraacay oo ka yimid Gobolada Soomaliya, sida Puntland, Somaliland iyo Kilalka 5aad ee Soomaalida.

waxaana jira caqabado dhinaca nolosha ah oo dadkaas soo wajahay oo ay u horayso biyo la,aan maadaama dhulka ay degeen ay ku yaryihiin ceelbiyoodyada, waxaa kaloo jira nadaafad daro ay sabatay dhimashada Xoolaha oo xerada iyo gaadiidkaa dushiisa ku dhinta caato iyo tabardaro darteed, dadka qaarkiis ma haystaan Cunto iyo hooy ay kaga gabadaan Qoraxda roobka iyo Dhaxanta.

waxaan Booqday Deegaanka ay xaaladaasi ka jirto 500 boqol oo qoys oo isugu jira dadka degaanka iyo kuwa gobalada kale ee soomliya waxay gaarsiisay raashin ka kooban sonkor, bur, bariis, saliid. buskut, iyo Doors he. mucaawinadas oo ay ku deeqeen ganacasato iyo aqoonyahano ku sugan Wadamad carabta sida Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo magaalad Boosaaso.

Dadka abaartu saameysay ayaa ii sheegay in mucaawinadani ay soo gaartay xili ay u baahnaayeen, waxana si aada ugu mahadceliyeen shakhsiyaadkii deeqdaan iisoo wasii shay.

Inkasta oo reer guuraaga isu tegay dhulka roobku ka da’ay ay heleen deegaan naq leh roobna ka da’ay ayaa cufnaanta degsiimada oo sii kordheysaa ay sababaysaa in biyha keydka ag ee Waraha iyo berkaduhu ay dhaqso u dhamaato, waxaa kaloo dhulka ka jira dulinka Kaneecada oo keeni kara xanuunada Duumada, hoyga, cuntada, daawada intaba waa looga baahan yahay degsiimooyinka ay ku soo ururayaan dadka xoola dhaqatada ahi, sidaas darteed, akhristow, marka aad daawatid masawirada, ama aad akhriso qormadan ma dareemeysaa xanuun dareenkaagu kuu sheegayo in kaalmo aad dadkaas gaarsiisaa ay badbaadineyso walaalkaa duruufaysan.

Ka Qayb qaado gurmadka abaaraha, deeq Alle ayaa bixiya, ee isku day in aad kaalmeyso hal qoys ama in ka badan.

www.allpuntland.net


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wax Ka Ogow Farole Oo Isdiiwaan Geliyay Iyo Taageerada Uu Haysto
- Jan 28, 2017
Musharax Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah is diiwaan geliyay, ...
Imisa Musharax Ayaa Isdiiwaangeliyay?
- Jan 28, 2017
Maalinta bari oo Axad ah ayay ku egtahay Diiwaangelinta Musharixiinta, waxaana illaa iyo hadda ...
Wax Ka Ogow Ganacsade Maanta Lagu Dhaawacay Boosaaso
- Jan 28, 2017
Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa lagu dhaawacay Ganacsane Burhaan Ilka-dhagax oo ka mid ah ...
XOG: Farole Iyo Cumar Cabdirashiid Oo Kala Qaaday Laba Waddo
- Jan 28, 2017
Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole iyo ...
Sawiro: Farmaajo Oo Maanta Isdiiwaan geliyay
- Jan 28, 2017
Murashax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxwaynaha Soomaaliya ...
Sawiro: Xaggee Maanta Ku Sugan Yahay Madaxweyne Gaas?
- Jan 28, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan degmada Bandar-Bayla ee ...
Sawiro: Wax Ka Ogow Hawo Muhiima Oo Ciidamada Badda Puntland Ay Ka Wadaan Gobolka Mudug
- Jan 28, 2017
Ciidamada badd Puntland ayaa hawlo biyo dhaamain ah ka wada degmada Jariiban iyo deegaano ...
Nabadoon Muuse Xaaji Faarax Oo Ku Dhintay Magaalada Boosaaso
- Jan 28, 2017
EEBE ha u naxariistee waxaa magaalada Boosaaso ku dhintay Marxuum Nabadoon Muuse Xaaji oo ...
ALLPUNTLAD Oo Ogaaday Saldhiga Wada Hadalka Xassan Iyo Farole Iyo Natiijada Kaso Baxday
- Jan 28, 2017
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa Magaalada Muqdisho kulan ...
XOG: Maxaa Ka Socda Degmada Qandala Ee Gobolka Bari?
- Jan 28, 2017
Degmada Qandala iy deegaano hoostaga ee Gobolka Bari ayaa waxaa gaaaray ciidamo ka tirsan ...