10 Qof oo u Geeriyooday Shuban Biyood ka Dilaacay Degmada Xarfo (SAWIRO)

Wararka aan ka helayno Degmada Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sheegaya in 10 Qof  oo u badan Dumar iyo Caruur ay u Geeriyoodeen Shuban Biyood ka Dilaacay Deegaanka.

Waxaa Sidoo kale lagusoo waramayaa in Dad ka badan 60 Qof ay u jiifaan Xanuunka ayadoo qaarkood lagu dabiibayo halkaas qaar kalena loo qaaday Gaalkacyo oo qiyaas ahaan ujirta 70km.

Xarfo ayaan lahayn Xarumo Caafimaad oo dadka lagusii hayn karo ama dabooli karta baahiyaha Caafimaad ee dadka uu soo ritay xanuunku.

Mar aan la hadalnay Ku xigeenka Duqa Degmada Xarfo C/laahi Cabdisalaan ayaa noo xaqiijiyay in ilaa hada aysan soo gaarin wax kaalmo ah marka laga reebo Hay’ada Bisha Cas oo ayadu gacan wayn ka geysatay sidii loola tacaali lahaa Dadkaas.

Shuban biyoodka ayaa horay uga dilaacay Deegaanka Bilcilka oo asna ka tirsan Degmada Xarfo sida la xaqiijiyay waxaa asna ku dhimatay 2 Caruur ah.

 


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




..