Shirkii golaha wasiirada Somaliya ee maanta oo qodobo xasaasiya laga soosaray

Golaha Wasiirada Dowlada Somaliya ayaa yeeshay shirkoodi caadiga ahaa ayadoo uu Shirgudomi naayay Ra,iisul wasaaraha Dowlada Federalka Somaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa waxa laga soosaray Go,aamo adag oo kuwajahan Amaanka Caasumada Somaliya ee Muqdihso waxana lagu taageeray Shirka Magalada London uga furmay Madaxda Somalida iyo Wadamada Daneeya arimaha somaliya waxayna Wasiiradu uga mahad celiyeen Dowlada Ingriiska sida eey Somaliya ugarab taagan tahay Weeyna Soodhoweyen Shirkaas Dhanka kale Golaha wasiirada Xukuumada Somaliya ayaa Go,aamda eey soosaren waxaa kamid ah in magalada Muqdisho aan lagu arki karin Baabur Hubeysan iyo Ciidan iska Dhax waregaya oo sita Dareska Ciidamada iyo In uu san Masuul katirsan Dowlada uu san kaxeysan karin Gaadid tiro badan iyo Ciidan Tiro badan iyadoo lacayimay Tirada Ciidanka ee uu masuul wadan karo iyadoo lagu sheegay Ilaa iyo 4 Askari in uu ilaalo ahaan u kaxeeysan karo Gaadiidka uu masuulkasta wadan karo ayaa lagu Sheegay ilaa iyo 2 gaari,

shirka Golaha WasiiradaSomaliya ayaa waxaa kasoobaxay Qodobo eey kamid yihiin in lagu wareejiyo Amaanka Caasumada Ciidamao isku Dhaf ah oo ka kooban laba qeybood oo kala ah

1 in lasameeyo Ciidanka Howlgalka Xasilinta Caasumada oo isgu jira Boliis iyo kuwa XDS

2 Caasumada waxaa laga mamnuucay in hub lagu dhexqaato mise Tekniko lagu dhex wato

hadaba qodabodaan iyo kowakale oo badan ayeey kasoo saaaren Shirkoodi maanta arintan ayaa ku soo aadeysa

iyada oo eey tagan tahay doodi kadhalatay Dilki loogestay wasiir Cabas oo eey waliba geesten Ciidamo ilaalo ah oo katirsan Dowlada somaliya waana midas mida maanta loo mamnucay ilaalada tirada badan iyo gaadiidka dagalka ee xadka kabaxay Muqdisho oo eey badana wataan madaxda Dowlada Somaliya


Nagala soo Xiriir: E-mail allpuntland17@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




..