Wax Ka Ogow Farole Oo Isdiiwaan Geliyay Iyo Taageerada Uu Haysto

Musharax Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah is diiwaan geliyay, waxaana uu ka mid noqday 15 Musharax oo isu diiwaan geliyay tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.

Farole ayaa oo shalay kulan la qaatay Xassan Sheekh Maxamuud ayaa haysta taageero kooban, gaar ahaan Xildhibaanada laga soo doortay magaalada Garowe.

Waxa Xildhibaanada Farole taageersan ka mid ah rag laso shaqeeyay oo ka mid ahaa Xukuumadiisii oo ka mid ah Xildhibaanada.

Inkasta oo Cumar Cabdi Rashiid uu Farole horay uga dalbaday inuu Iscasilo, hadana ma dhicin oo waxa Musaharaxnimadiisa ay culays ku noqonaysaa Cumar oo sida Xogta aan ku hayno haysta taageero badan.

Waxaa taasi ay ka dhigan tahay in Codadku ay baahayan oo Farole marka laga tago Xildhibaanada Puntland uu heli karo Xildhibaanada Jubbaland.

Ol’olaha Doorashadda ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana malmihii ugu dambeeyay shirar gooni gooni ah oo heerkii ugu sareeyay gaaray.

Cumar Cabdi Rashiid iyo Farole ayaa kala qaaday labo wado, waxaana soo baxay inaysan labada Musaharax aysan isu hayn wax taageero ah, waxaana horay u fashilmay shir ay Garowe ku yeeshen.

www.allpuntland.net

Imisa Musharax Ayaa Isdiiwaangeliyay?

Maalinta bari oo Axad ah ayay ku egtahay Diiwaangelinta Musharixiinta, waxaana illaa iyo hadda Isdiiwaan geliyay Musharixiin gaaraysa 15, waxaana la saadaalinayaa in Musharixiinta tartami doonta ay gaarayaan illaa 18 Musharax.

Musharixiinta Isdiiwangeliyay ayaa kala ah.

1- Shariif Sheekh Axmed

2-Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke

3- Maxamuud Maxamed Culusow

4- C/qaadir Cosoble Cali

5- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

6- Maxamed Cali Ameeriko

7-  C/naasir Maxamed Cabdulle

8- Maxamed C/llaahi farmaajo

9-  C/raxmaan C/shakuur Warsame

10- Jibriil Ibraahim Cabdulle

11- Cali Xaaji Warsame

12- Saciid C/llaahi Deni

13- C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

14- Saciid Ciise Maxamuud

15- Xasan Sheekh Maxamuud

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday Musharixii ugu horeeyay ee Isdiiwaan geliya, waxaana wixii Axada ka dambeeya bilaaban doona Ol’olihii ugu cuslaa ee Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya.

ALLPUNTLAND ayaa helay xog ah in Isbahaysiyo hore oo ay samaysteen Musharixiinta Isbadal doonka ah uu burburay, ayna abuurmeen Isbahaysiyo cusub.

www.allpuntland.net

Wax Ka Ogow Ganacsade Maanta Lagu Dhaawacay Boosaaso

Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa lagu dhaawacay Ganacsane Burhaan Ilka-dhagax oo ka mid ah Ganacsatada caanka ah ee magaalada Boosaaso.

Dablay hubaysan ayaa geystay dhaawaca Ganacsadaha, waxaana Ciidamada amniga ay wadaan hawlgalo ku saabsan dhaawaca Ganacsadaha.

Waxaa xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayaa Cisbitaalka magaalada Boosaaso, waxaana dhkhaatiirtu ay noo sheegen inuu wannaagsan yahay.

Maanta ayay ahayd markii uu dhaawac soo gaaray todobaadkii hore u dhintay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax.

Illaa iyo hadda dawladu kama hadlin dhacdooyinkan kaso cusboonaaday magaaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

www.allpuntland.net

XOG: Farole Iyo Cumar Cabdirashiid Oo Kala Qaaday Laba Waddo

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay Isbahaysi ku samaysten magaalada Kampala ee xarunta wadanka Yugandha.

ALLPUNTLAND ayaa ogaaday in wajiga 2-aad ee kulanka labada Musharax inuu ka dhacay magaalada Muqdisho, isla markaana ay isku fahmi waayen wax badan.

Qodobada sida gaarka ah ay isgu fahmi waayeen ayaa waxaa ka mid ahaa cida uu doonayo inuu Sheekh Shariif u magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaa Shariif uu sheegay inay balan adag wada galeen Cumar Cabdifrashiid Cali Sharmaarke, laakiinse waxaa arrintaas ka biyo dooday Farole.

Musharax Farole ayaa hadda Xildhibaanada uu haysto ku galaya gorgortan Siyaasadeed, waxaana Xildhibaanada uu haysto ay u badan yihiin kuwo laga soo doortay Garowe.

Farole iyo Xassan Sheekh oo kulan yeeshay ayaa isku fahmay in Farole laga tala galiyo dhismaha Xukuumadda cusub, xilna la siiyo rag badan oo Siyaasiyiin ah oo uu watto, waxaana uu Xassan taas badalkeeda ka codsaday inuu ku taageero Xildhibaanada uu haysto.

Cumar Cabdi Rashiid iyo Farole oo horay isugu soo arkay Garowe ayaa is fahan waa ku kala tagay, waqtigaas oo Cumar Cabdirashiid uu uso jeediyay Farole inuu Iscasilo.

Musharixiinta Isbadal doonka ah ayaa shali kala qaba, waxaana kulankoodii ugu dambeeyay ee ay yeeshen ay isku fahmi waayeen inay samaystaan hal Afhayeen oo ku hadla Afkooda.

Waxaa maalinta bari ku eg qaashadda Araajida, waxaana wixii ka dambeeya la galayaa Ol’olihii ugu adkaa, waxaana soo baxaya Isbahaysiyo cusub, waxaa muuqanaya in Kubadu ay dhexaalo Afar Musharax oo kala ah Cumar Cabdirashiid, Xassan Sheekh, Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

www.allpuntland.net

 

Sawiro: Farmaajo Oo Maanta Isdiiwaan geliyay

Murashax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maanta iska soo diiwaan galiyay guddiga KMG ah ee doorashada madaxwaynaha.

Cabdilaahi markuu buuxiyay sharuudaha laga rabay, guddigu wuxuu gudoon siiyay shihaado cadeyn u ah inuu ka qayb gali karo doorashada Soomaaliya.

Hadal uu siiyay telefeshinka Qaranka (SNTV) ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu is diiwaan galiyo,wuxuu sidoo kale fariin u diray shacabka iyo gollaha Baarlamaanka isagoo muujiyay inuu ku kalsoon yahay inay codkooda siin doonaan shaqsiga ku habboon xilka madaxwaynaha.

Waxaa sidoo kale maanta isdiiwaan galiyay Farole,Cali Xaaji,Siciid Deni iyo Jabriil, ilaa iyo haddana waxaa la ii sheegay tirada diiwaan gashay iney kor u dhaafeyso tobban murashax.

www.allpuntland.net

Sawiro: Xaggee Maanta Ku Sugan Yahay Madaxweyne Gaas?

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan degmada Bandar-Bayla ee gobolka karkaar ayaa maanta 28 January 2017 kormeeray xarumaha Dawladda degmada Bandar-bayla ee gobolka karkaar, isla markaana xariga ka jaray waddo halbowle ah oo dhawaan laga hirgeliyey magaaladaasi.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xariga ka jaray waddo halbowle ah oo ah 1-km iyo 800 oo miter, waxaana lagu  hirgeliyey dhismaha wadadani mashruca ‘’JPLG’’ kaas oo dhamaan magaaloyinka waaweyn ee Dawladda Puntland ka fuliyey dhismayaal noocan oo kale ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadadani halbowle u tahay degmada sidoo kalena ay wax wayn ka tari doonto isu socdodka iyo bilicda Magaalada, waxaana uu ku booriyey shacabka iyo maamulka degmada Bandar-bayla inay ku dedaalaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayen wax walba oo dan u ah horumarka degmada iyo dhamaan degaanada hoosyimaada.

Munaasabadda xarig jarka kadib Madaxweynaha ayaa dhexmaray suuqa weyn ee degmada Bandar-bayla halkaas oo uu kula kulmay shacabka degmada isagoona ka waraystay baahiyahooda waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu la kulmay qaar kamid ah shacabka ku wax yeloobey duufantii kala duwanaa ee ka dhacay xeebaha Puntland gaar ahaan xeebta Bandar-bayla isagoona Madaxweynuhu u balan qaaday in Dawladu u hirgelindoonto guryo ay ka dhigtaan deegaan si looga degel rogo meelaha ay hada degenyihiin.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kormeeray cusbitaalka weyn ee degmada Bandar-bayla isla markaana xadhiga ka jaray qaybta qaliinka oo dhawaan ay hirgelisey wasaarada caafimaadka waxaana uu madaxweynhu mahad balaadhan u soo jeediyey wasaarada caafimaadka Dawladda Puntland iyo maamulka cusbitaalka degmadaasi sida wanaagsan ee ay uga shaqeyeen dhismaha, qalabaynta iyo teyada shaqalada cusbitaalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeeray xarunta dugsiga  farsamada waxbarashada dadban ee degmada Bandar-bayla halkaas oo ay wax ku bartaan haweenka magaaladasi iyagoona ku barta xirfadaha ay ka mid yihiin barashada ganacsiga, barashada harqaanka, falkinta Cawda, cunto karinta iyo cilaan saarka.

Kormeerka madaxweynaha ee xarumaha Dawladda ee degmada Bandar-bayla ayaa waxaa ka mid ahaa xarunta Dawladda Hoose ee degmadaasi, xarunta ayaa waxaa ay ahayd meel ay ka muuqatay qalabayn iyo mid sahashey in ay hurmariso bilicda degmada, isla markaana ay ka shaqayso baahiyaha degmada iyo degaanada hoosyimaada, intaasi kadib waxa uu madaxweynuhu kulan la qaatay xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Bandar-bayla.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan safarkiisa shaqo ugu kuurgeli doona xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka xoola dhaqatada ah ee ka soo hayaamay Waqooyiga, Galbeedka iyo koonfurta Soomaaliya ee ku teedsan degaanada u dhexeeya degmada Bandar-bayla iyo xarunta gobolka karkaar ee Qardho.

www.allpuntland.net

Sawiro: Wax Ka Ogow Hawo Muhiima Oo Ciidamada Badda Puntland Ay Ka Wadaan Gobolka Mudug

Ciidamada badd Puntland ayaa hawlo biyo dhaamain ah ka wada degmada Jariiban iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Dadka reer Guuraaga ah ee uso hayaamay deegaanadaa ayaa ciidanku ay caawinayaan, waxaana la arkayay ciidamada oo dadka biyo dhaamin u samaynaya.

Ciidamada PMPF ayaa taagero ka hela dawlada Imaaraatka Carabta, waxaana ay mararka qaar ciidanka ay taageero siiyaan shacabka Puntland, iyaga oo kaalmo ka hela Hay’ada Bisha Cas ee dalka Imaaraatka Carabta.

www.allpuntland.net

Nabadoon Muuse Xaaji Faarax Oo Ku Dhintay Magaalada Boosaaso

EEBE ha u naxariistee waxaa magaalada Boosaaso ku dhintay Marxuum Nabadoon Muuse Xaaji oo Kooxo hubaysan ay ku dhaawaceen Boosaaso todobaadkii tagay.

Marxuumka ayaa u dhintay dhaawac kaso gaaray xabadihii ay la dhaceen Maleeshiyadii Weerartay, waxaana uu duintay ka dib markii qaliin lagu sameeyay.

Maanta ayaa lagu aasay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, mana jirto cid laso qabtay falkan.

Muuse Xaaji ayaa ka mid ahaa Nabadoonada caanka ah ee Gobolka Bari, waxaana uu aha mid ka mid ah ragga Turaarta ah ee Bari.

www.allpuntland.net

ALLPUNTLAD Oo Ogaaday Saldhiga Wada Hadalka Xassan Iyo Farole Iyo Natiijada Kaso Baxday

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa Magaalada Muqdisho kulan ay Albaabadu u xirnaayeen kula yeeshay Madaxweynaha waqtiga xilhayntiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kulanku uu socday saacado, waxaana markii uu soo dhamaaday Saxaafadda si wada jir ah ula hadlay labada Musharax, waxaana Warbixinta ay Saxaafadda siiyeen marka laga tago aan helnay Warar hoose oo ku saabsan natiijada kulankooda.

Saldhiga Wada Hadalkooda.

ALLPUNTLAND ayaa helay xog ah in labada Musharax ay kulankooda diirada ku saareen arrimaha Doorashadda, iyada oo aan helnay in horay uu xiriir u dhexmaray labada Musharax, waqtigii ay socotay Doorashadda Xildhibaanada labada Aqal.

Xassan Sheekh ayaa bilo ka hor xiriir la sameeyay Cabdi Raxmaan Farole waxaana ay ka wada hadleen sidii uu u taageeri lahaa, isagoo balan qaad u sameeyay waqtigaa, waxaana kulankoodu uu daba socday xiriirkii horay u dhexmaray.

Farole ayaan Xassan horay uga haystay balan qaad ahaa inuu xil sare u magacaabayo sido kalena uu xil siinayo  rag aad ugu dhow Farole oo ay Puntland kaso wada shaqeeyen, gaar ahaan ka tirsanaa Golhiisa Xukuumadda.

Waxaa Farole uu balan qaaday inuu taageerayo, uuna siinayo codadka Xildhibaanada uu haysto oo u badan kuwo laga soo doortay Garowe oo ay ku jiraan rag Xukuumadii Farole ka tirsanaa.

Xassan Sheekh ayaa Farole u balan qaaday haddii Codadka u haysto ay ugu darsamaan codadka uu Farole helo oo sidaa uu Madaxweyne ku noqdo inuu siinayo xil sare oo IGAD ah iyo inuu qayb ka siinayo Wasiiradda Xukuumadda laso dhisayo, gaar ahaana magacabista Ra’iisul Wasaaraha uu talo wannaagsan ku yeelanayo.

Kulanka Farole iyo Xassan Sheekh ayaa dhabar jab wayn u gaystay Cumar Cabdi Rahiid Cali Sharmaarke oo ogsoon in Farole uu taageero ku leeyahay Xildhibaanada Garowe lagu soo doortay.

www.allpuntland.net

XOG: Maxaa Ka Socda Degmada Qandala Ee Gobolka Bari?

Degmada Qandala iy deegaano hoostaga ee Gobolka Bari ayaa waxaa gaaaray ciidamo ka tirsan dawlada Puntland, waxaana ay qaadeen hawlgalkii ugu cuslaa.

Ciidamada oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka daba tagay ciidamo u ruqaansaday xalay dhinaca Buuraha Qandala oo Kooxda Afduubka geystay ay aadeen.

Dadka degmada Qandala iyo deegaanada ku xeeran ayaa aad looga hadal hayaa ficilkan ku cusub deegaanka oo aan horay uga dhicin, waxaana jira walaac soo food saaray dadka doonaya inay safraan.

Ehelada dadka la afduubay ayaa qaba walaac xoogan, waxaana dadku ay ka Warsugayaan ciidamada dawlada Puntland ee aaday hawlgalka.

Inkasta oo dawlada Puntland ay Kooxda Daacish horay uga saartay Qandala, hadana waxaa ay ku sugnaayeen Buuraha ku teedsan degmada Qanadala ee Gobolka Bari.

Kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Qandala ayaa lagu qiyaasay inay ka badan yihiin 100 qof, waxayna lku hubaysan yihiin Hub fudud iyo Bambooyin.

Gobolada Puntland ayaa aad looga dareemay dadka Afduubka loogu geuystay deegaano duleedka degmada Qandala ee Gobolka Bari.

www.allpuntland.net