Faallo: Xaggee Ku Dambeyn Doonaa Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Shariif Xassan Sheekh Aadan?

Waxaa dhici karta akhristow in aad la yaabto cinwaanka maqaalka, laakiin ma ahan mid aad la yaabto bulshada waxaa ka mid ah dad ku fekera wax weyn isla markaasna gaara, waxaa ka mid ah qaar aan hawl badan u marin in ay gaaraan meel aad u sareysa, halka dadka qaarkiis ay ku qaadato waqti dheer oo hawl iyo shiddo wata, tusaale waxaa kuu ah Madaxwrynaha waqtiga xu=ilhayntiisu dhaamaday Xassan Sheekh Maxamuud, nasiibka iyo orodkuna ma sina.

Inta aynaan u gelin dulucda sheekada waxaa muhim ah in aan dulmar ku samayno sheeko lawada ogsoon yahay taas oo ah Musharaxa Fashilmay Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo sooyaalkiisa siyaasadeed

Shariif Xassan ayaa ahaan jirey Ganacsade degen dalka Kenya waxaa uu ka ganacsan jirey Qaadka miiraaga, Saamaha iyo Hargaha, waxaana uu fadhi kulahaa dalka Kenya. Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan waxaa masraxa siyaasadda lagu arkey bishii July sanadkii 2004 markaas oo uu u sharaxnaa jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaa uu doorasho kaga guuleystey Shiikh Adan Madoobe, waxaana uu noqdey caqabad hortaagan Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf muddo 16 bilood ah.

Bilowgii sanadkii 2006 ayuu Shariifku si dhuumaaleysi ah ku tegay dalka Yemen isaga oo ka soo tegey dhamaan saaxbadiis ay ku mideysnaayeen qorshihii gaw iyo gash maleh, waxaana uu kulan halkaas kula qaatey Madaxweynihii Dawladda Federaalka Cabdullaahi Yusuf, xubin ka agdhaweyd Madaxweynihii markaas ayaa isla sanadkaas ii sheegay in Shariifku arintaas u sameeyay kadib markii uu helay balan qaad lacageed, iyo in isku shaandheyn lagu samaynaayo Golaha Wasiirada isla markaasna la soo dhisi doono Raysalwasaare lagala tashaday isaga Golaha wasiiradana uu wax ka soo dhisi doono, taas oo dawladdii loogu raray Magaalada Baydhabo, dhamaan xildhibaanadii Dawladda marka laga reebo Hogaamiye kooxeedyadii hubeysnaa.

Hawga Karantiyo hilaacyada Bari iskuma heshide ,miduun ku hagaag miduun ku haldhabo

Waxay giraantu wareegtaba lagama joogin heshiiskii Yemen ee dhexmaray Cabdullaahi Yusuf iyo Shariif Xassan 6 bilood waxaa guulo la taaban karo gaarey Maxkamadihii Islaamiga ahaa waxaa nabad laga dhigey Muqdisho, waxaana shariifka uu hilaac uga baxay Muqdisho, halkaasna looga sacabo tumey.

Bishii September 18keedi Baarlamaanka Dawladda Federaalka ayaa u fariistey arin muhim ah in codka kalsoonida loo qaado Dawladdii Prof.Cali Maxamed Geedi waxaana dhacay markii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ka soo baxay baarlamaanka in qarax aad u xoogbadan lagula beegsadey banaanka Baarlamaanka, waxaana ku dhintey xubno badan oo kamid ah ilaaladiisa iyo nin la dhashey Madaxweynaha.

Qaraxu markii uu dhacay Guddoonka baarlamaanku waxa uu ku adkeystey in shirkii loo fadhiyey ee Baarlamaanka sii socdo iyada oo dhiigu qul qulaayo baarlamaanka hortiisa, waxaana uu quud daraynaayey in Dawladda Prof.Cali Geedi waayi doonto kalsoonida taas oo aan dhicin.

Qaraxii Madaxweyne Cabdullaahi ka badbaadey muddo yar kadib waxaa Shariifku u diga rogtey in uu tago Muqdisho heshiis keligiis ahna la saxiixdo maxaakiimta waxaana, halkaas mar kale ka bilaamay khilaaf, Shariifku kuma negaan Muqdisho kadib markii ay u cadaatay in waddanka ay soo buux dhaafiyeen ciidamo Itoobiyaan ah ayuu u baxsadey wadamada deriska ah, waxaana xilkii Gudoomiayaha loo doortey Shiikh Adan Madoobe bilowgii sanadkii 2007.

Muhimada hordhacan ayaa ah in Shariif Xassan uu ahaa nin katalabaayey shaqada uu hayo ee ah afhayeenka Baarlamaanka, waxaana uu markasta shukaanta ku qabsanaayey Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha, isaga oo doonaayey in uu heshiisyada caalamiga ah soo galo, safarada dibadda ka qayb galo, halka shaqadiisu ahayd in uu guddoomiyo shirarka Baarlamaanka.

Shariif Xassan oo loo malaynaayey in uu isaga dhacay jaranjarada Siyaasadda ayaa ka soo muuqdey Masraxa mucaaradka mar kale isaga oo ku biirey kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee shirka ku qabsadey dalka Ereteriya, waxaana uu faraqa ku xirtey Shariif Shiikh Axmed, waxaana uu gaarey heer uu ka qaybgalo shir looga hadlaayey arimaha Soomaaliya oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobey, isaga oo la baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka xorta ah!.

Shariif Shiikh Axmed ayaa habeenkii loo doortey Madaxweynaha waxa uu mahad gaar ah u celiyey Raysalwasaarihii hore Nuur Cadde, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey ninkii kula tartamay wareegii u danbeeyey ee Maslax Siyaad Barre, waxaana uu ugu danbeyntii sheegey in uu u mahad celinaayo Shariif Xassan Shiikh Adan taas oo markiiba dadbadan is weydiiyeen laakiin waxaa jawaabtii baxshey Madaxweynaha oo meeshaas ka sheegay in Shariifku tanaasuley sidaasna uu ku mudan yahay mahadin uuna yahay nin guuleystey.

Shirkii Jabuuti ayaa qorshaha u dejisnaa kooxda Asamara ay ahayd in doorasho loo sameeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha labadaas boos waxaa kala raadinaayey labada Shariif, beesha caalamka ayaase cadaadis ku saartey in ay iska ilaawaan booska Guddoonka Baarlmaanka, si dib u heshiisiin loo gaaro.

Shariif Axmed ayaa ka siiyey dawladiisi Wasiirka Maaliyadda Shariif  Xassan Sh.Adan  boos aad u culus kaas oo ah wasiirka Maaliyadda taas oo dad badan ka yaabisey maadaama aqoonta Shariifku aysan gaarsiisneyn heer jamaacadeed sida uu u wadi karo hawsha wasaaradda Maaliyadda, Laakiin Shariifka ayaa muujiyey in hankiisu halkaas ka sareeyo isla markaasna uu hogaamin karo xukuumadda oo dhan.

Shariif Xassan iyo 2017-ka.

Shariif Xassan ayaa mar kale kaso fuulay Jaranjarada Siyaasadeed maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana uu keensaday Muqdisho Xildhibaano ka badan Lixdan oo uu kaso dhaadhiciyay inay isku duubnaadan oo ay ku dadaalan sidii Beelaha Digil iyo Mirifle u heli lahaa Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare.

Wuxuu keenay Siyaasad uu ku doonayay inuu beelaha Daarood ku siiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, laakin waa ku fashilmay arrintaas.

Shariif ayaa hadda u muuqda mid ka dhacay Jaranjarada Siyaasadda, wuxuu maalmahan bilaabayaa inuu ku Gorgortamo Xildhibaanada uu haysto, waana Wadada kaliya ee u furan, waana nin hadba Jiho cusub kaso qabsada Siyaasadda.

Haddii uu guulaysto Saaxiibkii Shariif Sheekh Axmed waa suuragal in Shariif Sheekh Axmed uu dib uso fuulo jaranjarada Siyaasadda, laakiin hadduu soo baxo Madaxweyne kale, taas waxay ka dhigan tahay inuu Shariif guud ahaan ka dhacay Masraxa Siyaasadda Soomaaliya,

www.allpuntland.net         

Falanqeyn: Waa Kuma Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Ma Qaswadaa Mise Siyaasi Hagaagsan?

Wadan kasta dowladda ka dhisan waxaa ay leedahay hogaan wax ka maamula daaha gadaashiisa, hogaankaas wuxuu noqdaa ehelada madaxweynaha, Ganacsade dhaqaale ku bxiiyey qaabkuu u noqon lahaa madaxweyne, Siyaasi caan ah oo dalka ku leh galaan gal siyaasadeed, Madaxweyne wadan daris ah oo qayb ka qaata fududaynta xilka madaxweyne, ama hogaamiye xisbi oo ka shaqeeyey sidii xisbigiisu talada u qaban lahaa.

Faarax Sheikh Cabdul qaadir ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo hogaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamulay dalka afartii sano ee la soo dhaafay, wuxuu ahaa shakhsiga ugu awooda badan dalka, isagoo ahaa qofka ay ka go’aan talooyinka lagu maamulayo wadanka, wuxuu galaan gal u lahaa la tacaamulka siyaasada dibadda, waxaa soo mari jiray go’aana ka gaarista qandaraasyada yar yar iyo kuwa waaweyn, wuxuu hor istagi jiray ama aqbali jiray heshiisyada caalamiga ah ee dowladdu galayso, waxaa talo laga weydiin jiray heshiisyada ay galayaan maamulada goboladda, wuxuu noqoday nin qayladiisu sanad gudihiis dadka Soomaaliyeed ka dhawaajisay meel kasta ay joogaan, wuxuu caan ku noqday cartoomada Aamin Caamir soo saaro website-kiisa.

Haddaba qaabkee u curyaamiyey dowalada Soomaaliya?

Xukuumadii ugu horeysay ee uu Raysal Wasaaraha ka ahaa Saacid Shirdoon waxaa loo magacaabay Wasiirka Maaxtooyada, wuxuuna durbadiiba asaasay xafiis loogu wanqalay (Policy Unite) oo ay xubno ka ahaayeen khubaro xiriir dhow la leh xafiiska madaxweynaha, waxay usbuuciiba kulmi jireen laba jeer, waxayan ka awood badnaayeen gollaha wasiirada ee xilgaas jiray, waxaana hogaan u ahaa Faarax Sheikh Cabdulqadir, iyagoo xiriir toos ah la yeelan jiray beesha caalamka go’aana ka gaari jiray cida ka qayb galaysa shirarka loo aadayo dibadda.

Xafiiskaas wuxuu si xun u wiiqay awoodii xukuumadii Saacid, waxayna ka dhaariyeen Ra’iisul Wasaaraha inuu aado safar dibadda ah, marka laga reebo safar is barasho oo uu ku tagay dalalka dariska ah, Dubai, iyo Shir maqaar saar ahaa oo uu ku tagay Geneva, ugu danbayntiina Faarax isagoo isticmaalaya awoodiisa khaaska ah ayuu abaabulay mooshin xilka looga qaadayo Raysal Wasaare Saacid, isagoo ugu mar marsooday in xukuumadiisu fadhiid tahay. Kumana qaadan mudo bil ah inuu soo afjaro Saacid iyo xukuumadiisa.

Dowladii Raysal Wasaare Cabdiweli.

Waxaa durbadiiba la magaacabay Raysal Wasaarihii labaad ee dalku yeesho sanad gudihis, waxaana nasiib u yeeshay meertadaan Cabdiweli Sheikh Axmed oo aan ku imaan rabitaanka Faarax Cabdulqadir, taas oo sabab u ahayd is qab qabsi balaaran oo ka dhaxeeyey Damul Jadiid, kadib markii laysku diiday akhyaartii miiska la soo saaray, waxaa go’aan qaatay u gooni ah madaxweynaha oo la tashi la sameeyey rag odayaal ka ahaa xisbiga dhaxdiisa qaatayna taladooda ,
Raysal Wasaare Cabdiweli isagoo ka warqab waqcadii ku dhacday Saacid Shirdoon iyo talooyin badan oo ay siiyeen siyaasiyiin ka tirsana dowladda wuxuu ka takhalusay Xukuumadii Labaad ee Faarax Raysal Wasaaraha ka ahaa (Policy Unit) waxaana arinkaas ka dhashay durbadiiba khilaaf ku salaysan qaabka wax loo magacaabayo golaha xukuumadda, taas oo sababtay in lagu guulaysan waayo dhismaha xukuumadii labaad, is jiid jiid badan kadib waxaa la magacaabay golle wasiiro oo Faarax nasiib u yeelay inuu ka xusho Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, balse durbaba waxaa soo if baxay khialaaf ku salaysan yareeynta iyo saamaynta Faarax ku lahaa Xukuumadda, waxaana si taxadar ku muuqdo xididada u siibay awooda Faarax Raysal Wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed.

Iska dabawaregii iyo khilaafkii ka dhashay arinkaas ayaa sabab u noqday in isku shaandhayn lagu wiiqayo awooda Faarax lagu sameeyo Golaha Wasiirada, waxaana loo magaacabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa, durba waxaa cirka isku shareeray khilaafkii oo isu badalay abaabulka mooshinkii labaad ee lagu rido xukuumadii labaad mudo laba sano gudaheed ah, waxaana ku baxay riditaankeeda dhaqaalo aad u xoogan, waxayna qaadatay sadex bilood inu la soo afjaro Raysal Wasaare Cabdiweli.

Xukuumadii Cumar Cabdirashid

Bishii Decemer, 2014-kii waxaa loo caleema saaray xilka Raysal Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, oo aan ku imaan rabitaanka Faarax Cabdulqadir iyo kan Damul Jadiid, waxaana qayb libaax leh ka qaatay sidii u noqon lahaa Raysal Wasaare Amb, Cabdullahi Sanbalooshe iyo Sharif Xasan, oo saxiibo dhow la ahaa Cumar Cabdirashid qayb libaaxna ka qaatay riditaankii Xukuumadii Cabdiweli. Waxaa durba la guda galay magacaabista golaha wasiirada, iyadoo Faarax loo magacaabay Wasiirka Cadaaladda, waxaase isla markiiba bilowday guux wada qabsaday xildhibaanada baarlamanka oo ay ku calamadeeyen in aysan aqbalayn golle xukuumadeed oo uu xubin ka yahay Faarax Cabdull qaadir, waxaana la qaatay go’aan in laga saaro isaga iyo rag kale.

Gabagbadii, hadii Faarax Cabdulqadir oo curyaamiyey hor u socodka howlaha dowladnimo ee dalka afartii sano ee la soo dhaafay, si xun u isticmaalay awoodii iyo galaan galkii uu ku lahaa Madaxweynaha, maalin cadna xildhibaanadii Baarlamankii hore ay yiraahdeen xukuumad uu ku jiro ansixin mayno, sidee suurtagal u tahay maanta inuu isu soo sharaxo gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamanka, hadiiba ay dhacdo inuu ku guulaysto taa macanaheedu soo maahan in afar sano oo kale dalka dib u dhac ku yimaado.

Waxaa diyaariyey: Maxamud Gacal.

Faafin allpuntland.net

Falanqeyn: Illowsha Dhowaa Ma Umul Baa, Itoobiyana Igaarsanaa?

Wadaniyaddu waxay ku dhisan tahay in ummadi ilaashato waxyaabaheeda muqadasaadka u ah oo ay ugu horayso dhulkeedu, waxaana hubaal ah in qaran kastoo jiraa uu leeyahay dawlado cadow u ah jiritaankiisa. Dowladda Itoobiya oo xuduud dheer la leh Soomaaliya waxay dhibaatoyinka Soomaaliya kala dhexeeyey ay fursad u heshay markii dadka Soomaalidu isu laayeen qabiil qabiil, dumiyeenna dawladnimadoodii.

Arrimahaas waxaa ka dhashay in Itoobiya siyaasad ahaan iyo ciidanba si toos ah ugu lug yeelato fara gelintay ku haysay shacabka Soomaaliyeed waqtiga burburka.

Iyadoo taas ka duulaysa ayey Itoobiya waxay maanta markale dabada ka riixaysaa Xasan Sheikh Maxamuud inay ku taageerto siduu kursiga ugu sii fadhiyi lahaa. Akhristow Itoobiya taageerada ay Xasan siinayso kama ahan dawlad Soomaaliyeed ha dhisanto ee waxay ka tahay “Yaa wadankaan burbursan ee bohosha ku jira halkiisa ku sii hayn kara ama meel ka xun sii geyn kara” waana taas siyaasadda ay ka urinayso Xasan, iyadoo aqoonsatay inuu yahay qof aan waxba ka tarayn dhismaha qaran soomaaliyeed taas bedelkeedna tiirarka u sii siibaya wixii astaan uu lahaa hadayba wax ka hareen.

Nin ku dilay har kuuma jiido

Qof Soomaaliyeed oo nool maanta looma sheegayo Itoobiya iyo dhibkeeda, carruurta aan qaan gaarin ayaa weli waxaa maskaxdooda ka sii qiiqaya xasuuqii ay ka gaystay Muqdisho xiligii ay dalka ku soo duushay, oo ilmihii ku dhashay geedka hoostiisu uu 10 sano jir hadda yahay.

Gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho ku nool ayaa igu tiri: Waxaan joognay xaafadeena oo ku taal Baar Ubax, waxaa maalintaas lagu jiiday gaari maydka Askari Itoobiyaan ah, habeenkeedii ayey anagoo xaafadeena ku cashaynayna oo aan nahay qoyskeenii oo dhan, waxaan cashada ka dib galay musqul, waxaan maqlay xabado si baas loo ridayo iyo oohin iyo qaylo dad la dilayo, waan baqay musqushaan ku sii nagaaday, mudo kadib ayaan ka soo baxay musqusha, waxaan arkay suxuuntii aan ku cashaynay oo dhiig ka buuxo, walaashay, laba wiil oo walaalahay ay, habar yartay iyo gabar dariskeena ah oo 30 daqiiqo ka hor aan farxad ku wada cashaynay oo wada mayd ah, sadex maalmood ayaan ku jiray miyir beel. Qofkasta oo Muqdisho ku noolaa wakhtigaas wuxuu xasuustaa mudo laba maalin gudahood ah waxaa Itoobiyaan xasuuqeen dad kor u dhaafay 400 qof ayagoo u aar gudaya askari maydkiisa la jiid jiiday”

Ninkaad kabo ka tolanayso waxaa la fiiriyaa kabihiisa

Wadan markuu ku leeyahay waan ku taageeraynaa, waxaa la eegaa wuxuu maskax, muruq, xirfad ama karti kale kugu kordhiyey, lama hayo hal xarun oo adeeg bulsho ah oo Itoobiya meel ay joogto ka dhistay, iska dhaaf inay dhistee wixii jiray ayey qaarna gubtay qaarna raratay, waxaa taas ka daran 20 sano iyo in ka badan ayey dadka Soomaaliyeed hub isugu dhiibaysay, iyadoo maalin kasta kan ugu maanka gaaban hoosta gashata, ma ahan inay kaas ka jeceshahay kuwa kale ee ujeedkeedu wuxuu yahay kuwa kale si ay iyana kuu soo hoos fariistaan.

Marka Itoobiya waxay soomaali tari karto gurigeeda cidi kama gaajo iyo silic badna, intaas ayaana kaa filan markaad aragto kumanaan Itoobiyaan ah oo har iyo habeen gudaha soomaaliya dhex lugaynaya, si ay nolol dhaanta tan wadankoodii taal u helaan.

Soomaaliya iyo khilaaf Imaaraadka iyo Itoobiya

Muranka Xasan Sheekh iyo Imaraadku wuxu salka ku hayaa sida la sheego heshiis dawladda imaraadka carabtu ku doonaysay inay kula wareegto maamulka dekedda Berbera.

Heshiiska waxaa ku wada jiray, Itoobiya, Imaradka, Dawladda Somaliya iyo maamulka Somaliland, doonista Itoobiya heshiiskaan ka lahayd wuxuu ahaa in Imaradku saldhigyadiisa ku yaal Casa oo Eretria ah uu ka guuro marka la sixiixdo heshiiska Berbera. Markii la wada gaaray heshiiska Imaradka way ku adkaatay inuu ka guuro saldhiggi Casab, oo hadda xudun u ah hawl galkiisa Yemen. Itoobiya talabadaan umay cuntamin, waxayna ku noqotay Xasan Sheekh kana codsatay inuu baabi’iyo heshiiska dekedda Berbera wuu yeelay, laakiin Somaliland ayaa u aragtay dhibaato in heshiis ay la gashay dawlad weyn dadkeeda iyo dhaqaalaheeda dan u ah ay haddana si fudud uga baxdo.

Waxaa marka la sheegaa in khilaafka imaraadka iyo Xasan Sheekh halkaas salka ku hayo, Xasan Sheekhna taas bedelkeed wuxuu bilaabay inuu Imaaraadka ku sifeeyo cadow Soomaaliyeed “Tolow ma Xasan baa keligiis Soomaali ah?”

Xasan Sheekh maanta wuxuu gadayaa in Itoobiya tahay walaal la jecel yahay imaaraadkuna cadowga koowaad, tolow ma dadka Itoobiyaanka ayuu Xasan Sheekh wax u sheegayaa oo uu donayaa inay dhegeystaan.

Imaaraadka iyo Soomaaliya

Marka laga soo tago xiriirka dhow ee Soomaalida iyo Imaaraadka ka dhexeeya oo qarniyaal badan ahaa mid ganacsi oo ay ka mid yihiin u iib geynta waxyaalaha ka soo baxa wadankeena, Imaraadku wuxuu ka fuliyey Soomaaliya sanadahaan mashaariic balaaran oo maalaayiin dollar ku baxday, si isku mid ah ayuuna uga fuliyey dhamaan qaybaha wadanka laga bilaabo Jubba Land ilaa laga gaaro Soomaaliland. Aan is weydiinee Xasan Sheekh Itoobiyaan uu ku cel celinayo waa saaxiibkeen bal ha keeno wax aan hub iyo rasaas ka ahayn oo ay bixiyeen, dadka gobollada shabaabku ka taliyo joogaa qaarkood waxay sheegayaan inay Alshabaab hubeeyaan.

Meeqa mashruuca ayeey Emaretku ka fuliyeen Soomaaliya, mudadii dhowrka sano ahayd ee ugu danbaysay, xoolihii iyo Ganacsigii Soomaaliya xagee yaala ma Addis Aabab mise Dubai, Ilowsha dhawa ma umulbaa Ehtiopia igaarsanaa

Xasan Sheekh wuxuu shalay ahaa kuwii lahaa muqaawamo ayaan nahay oo Itoobiyaan dalka ka saaraynaa, waxaan maqli jirey “Ma umul baa ilowshiyo dhowaa”.

Akhristow, su’aasha meesha taal waxay tahay, Xasan Sheekh sidista Itoobiya sidato, ma ku soo celinaysaa kursiga uu afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey, oo ay hubaal tahay in bulshadii Soomaaliyeed meel kasta ka nacday oo hiifayso?

Qore: Muxiyadin Colow.

www.allpuntland.net

Falanqeyn: Shariif Xassan Cabdi Rashiid Xidig Maka Dhigi Karaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya?

Waa su’aal ay dad badan iswaydiinayaan, oo u baahan innaan si qoto dheer u qaadaa dhigno si aan u fahano shaxda meesha taala iyo halka la isku lagdayo.

Shariif Xassan Sheekh Aadan wuxuu soo noqday Guddoomiye Baarlamaan iyo Wasiir Maaliyadeed, sanadkii 2009 ayaa waxaa lagu xasuustaa isaga oo Wasiirka Maaliyadda ah inuu cayaaray Siyaasad layaab lahayd oo ahayd inuu doonay inuu Wasiirka Maaliyadda uga boodo Ra’iisul Wasaare, waxaa waqtigaas Ra’iisul Wasaare ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, halka guddoomiyaha Baarlamaanka uu ahaa Aadan Madoobe.

Waxaa dawladii Shariif uu Shariif Xassan hal mar hindisay aragti fog iyo han aan caadi ahayn, wuxuu Xukuumadii Cumar Cabdirashiid uu ku kiciyay Wasiiro badan, xaalada ayaa cirka ku dhagtay, waxaa bilowday Mooshin, waxaa aakhirkii markuu culays kaso fuulay saaxiibkii Sheekh Shariif iyo beesha caalamka uu meesha kala baxay Aadan Madoobe, wuxuuna Shariif noqday Guddoomiye Baarlamaan.

Taariikhdaa kooban waxaan dib idiin ku celiyay innaan dib idiin xasuusiyo Shariif Xassan iyo Cumar inay horay isku soo arkeen, ayna soo galeen dagaal Siyaasadeed oo markii dambe keenay in Shariif uu ku guuldaraysto hankiisii Ra’iisul Wasaare.

2012-kii Doorashadii dhacaysay ayuu ka talaabay xadkii wuxuu doonay Madaxweyne, laakiin Kooxda DAMU-JADII oo mar hore xirtay Suunka ayaa diyaarada duuliyay, sidaana ku guulaystay oo dalka ku hogaamiyay Afartii sano ee tagtay.

Afar sano ka dib wuxuu Shariif mar kale Siyaasadiisa kaso bilaabay Koonfur Galbeed oo uu jaranjarada kuso fuulay, wuxuu kaso noqday Madaxweyne dan Siyaasadeed leh, wuxuu isku soo duba-ritay Xildhibaano aad u badan, wuxuu gacanta ku hayaa 69 Xildhibaan oo ah Xildhibaanada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo ah Xildhibaanada ugu badan ee laha soo doorto Maamul Goboleed.

Wuxuu doonayaa inuu tijaabadan ku guulaysto, wuxuu markan gacan ka helayaa DAMU-JADIID oo ka qabaqsan Cumar Cabdirashiid, wuxuuna helay taageero ka duwan midii uu haystay sanadkii 2012-kii.

Markan Shariifka waa ka go’an tahay inuu noqdo Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare, waana nin dan fog leh oo aan la garanayn cida gadaal ka riixaysa.

Shariif Xassan haddii uu teegeero ka helo Xassan Sheekh waxay u dhowdahay inuu saaxiibkii Cabdirashiid Xidig ka dhigo Guddoomiye, laakiin haddii isbadal uu yimaado maalmaha soo socda oo uu waayo taageerada DAMU-JADIID waa adag tahay sida uu himiladiisa ugu guulaysto.

Sida an Xog hoose ku helay Sababta Xidig uu u doortay ayaa ah inuu istusay haddii Xidig uu noqdo Guddoomiye Baarlamaan inuu helayo taageerada Xildhibaanada Jubbaland iyo Puntland marka dambe, kuwaas oo ah isbadal doon, waa sida uu Shariif u karayo.

Sanadka tartanku waa ka adag yahay midkii 2012-kii waana ka jalaafo badan yahay, waxaana aan la saadaalin karin sida ay wax noqon karaan, inkasta oo aan si horu-dhac ah u ogaanay in Cabdirashiid Xidig uu ka mid yahay dadka ugu cad cad tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xassan iyo Xidig ayaa ah laba nin oo ku xiran dawlada Itoobiya, waxaana Xildhibaanada cusub laga dhowrayaa sida ay dalka ugu dooraan hogaan u qalma.

www.allpuntland.net

Falanqeyn: Cumar Cabdirashiid Maka Gudbi Doona Tijaabada Adag Ee Hortaala Malinta Arbacada?

Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu dhalay ALLA ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa doonaya inuu 50-sano ka dib dhigo taariikh la mid ah midii uu dhigay Aabihii.

Cumar oo laba jeer noqday Ra’iisul Wasaare ayaa sanadka 2017-ka doonaya inuu noqdo Madaxweyne.

Waxaa Cumar Tartankiisa hadda soo wajahay caqabadii ugu adkayd oo ah hanka Cabdirashiid Xidig oo doonaya inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xidig wuxuu taageero ka helayaa dawlada Itoobiya iyo Shariif Xassan oo isna doonaya inuu sanadka markii ugu horaysay ay Digil iyo Mirifle ka guuraan kursiga Afhayeenka Baarlamaanka oo uu sheegay inuu dib u dhac u keenay.

Cabdirashiid Xidig wuxuu leeyahay khibrado aan kuso koobi karno;

-Sanadkii 2012-kii ayuu wareega kowaad ku haray tartanka guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu leeyahy khibrada tartanka uu sanadkii labaad galayo.

-Wuxuu xilal kaso qabtay dawlada Soomaaliya, wuxuu ahaa dal joog muddo kuso dhexjiray Siyaasadda.

Cabdirashiid Xidig sharyar ma dhigayo, hadda Ol’ole xooggan oo dhaqaale iyo farsamooyin kale uu u adeegsanayo ayuu ka wadaa Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid oo Ol’ole aad u wayn sanadka u galay tartanka Madaxweynaha ayaa fahansan caqabada uga iman karta Cabdirashiid Xidig, wuxuu hadda ku jiraa sidii uu uga takhalusi lahaa Xidig.

Xogo hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Cumar uu xiriiro kala duwan la sameeyay Madaxweynaha Jubbaland oo uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa hanka Cabdirashiid Xidig, laakiin Xidig wuxuu ku adkaystay inuu tartanka galayo.

Cumar oo la kulmay Xildhibaanada Soomaaliya badankood iyo Musharixiinta ayaa dalbaday inay ka taageeraan hankiisa Siyaasadeed, taasi oo macnaheedu uu yahay in meesha laga saaro Xidig.

Cumar Cabdirashiid ayaa lagu ogaan doona Ol’olihiisa inta uu le’ekaa sanadka haddii uu meesha ka saaro Cabdirashiid Xidig, waana tijaabada kowaad ee uu marin doono.

Ol’olaha Doorashadda socda ayay suuragal tahay inuu wax ka badalo hannaankii wax qaybsiga beelaha Soomaaliyeed sanadka 2017-ka.

www.allpuntland.net

Falanqeyn: Jawaari Haduu guulaysto, wax ma ka badali karaa tartanka Doorashada Madaxweynaha?

Waxaan jeclaystay inaan tacliiq yar ka bixiyo natiijada Gudoomiyaha Baarlamaanku suurtagalnimada saamaynta ay ku yeelan karto tartanka Madaxweynanimada Soomaaliya, anagoo soo qaadanayna tijabooyin soo dhacay, sida uu shakhsiyan wax ka badali karo hanaanka doorashada Madaxweynaha iyo in hadiiba ay jirto cid isaga wadata oo dhaqaale ku bixinaysa, ma u sahli karaa hanashada kursiga dalka ugu sareeya?.

Waxaa maalmahaan fooda nagu soo haya dhici doonta doorashada gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo in mudo ah la sugayey, waxaana jiray shaki badan oo ku xeeran cida u tartamaysa kadib markii Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu go’aansaday in kursigaan loo qoondeeyey siyaasiiyinta Koonfur Galbeed la gaaray waqtigii uu beel kale u caleema saari lahaa.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa xiligii doorashadii hore ee 2012 xildhibaanada lagu guda jiray shuruud uga dhigay xildhibaanada tartamayey in aan laysu sharixin kursiga gudoomiyaha Baarlamanka, taa badalkeedana lagu taageero isaga Musharaxnimadiisa Madaxweyne. Waxaana xusid mudan in dhamaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ay ku waafaqeen arrinkaas, balse xaalku wuxuu is badalay markii la dhaariyey xildhibaanada oo uu Xil. Idiris Dhakhtar daqiiqado kadib uga dhawaaqay musharaxnimadiisa goobta ay xaflada dhaarta ka socotay.

Waxaa intaa dheer in ay jiraan kulamo ka kala dhacay Baydhabo iyo Muqdisho oo ay ka soo qayb galeen xildhibaanda iyo siyaasiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya intooda aan ku qanacsanayn fikirka Shariif ee ah in cid kale lagu taageero kursiga gudoonka Baarlamaanka, waxayna siyaasiintaas soo hordhigeen madaxweyne Shariif Xasan inuu u cadeeyo sadex arimood si ay qayb uga noqdaan ololihiisa madaxweyne. Waxaana ka mid ahaa:

· Inuu haysto dhaqaale ku filan, madaama ay u baahan tahay Madaxweynaha laysu sharaxo dhaqaalo faro badan

· In ay jiraan wadamo siyaasada Soomaaliya xiiseeya oo gadaal ka riixaya ololihiisa doorasho.

· Inuu soo bandhigo qorshe cad oo lagula dagaal gali karo, sida: isbahaysiyo dhanka qabiilada Soomaaliyeed Xildhibaanadooda iyo Maamul goboleedyada.

Gudoomiye Maxamed Sh. Osman Jawaari oo ka mid ahaa xildhibaanadii dib loo soo doortay ahaana gudoomiyaha Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday ayaa dheg jalaq u siin dalabka Madaxweyne Shariif Xasan, taa badalkeedana isu sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo shaaciyey in ay u taagan yihiin qabashada xilkaas, waxaa ka mid ah Xildhiban Xuseen Osmaan Xuseen iyo Xill. Maxamed Mursal oo laga yaabo inuu maanta gudbiyo araajidiisa musharaxnimo.

Gudoomiye Jawaari ayaa dadka siyaasada galaangalka u leh saadalinayaan inuu ku guulaysnayo xilka gudoomiyaha Baarlamaanka, waana musharaxa ugu cad cad ilaa iyo hada, taas oo ay sabab u tahay arrimahaan hoos ku xusan:

· Waayo aragnimadiisa shaqo iyo sida wanaagsan oo u maareeyey maamulka Baarlamaanka mudadii afarta sano ahayd, waxaa xusid mudan in maanta kulankii kowaad ee Baarlamaanku yeesheen laga heli karo qoraalka doodihii dhacay Agoosto, 24, 2012 kaydka gudoonka Baarlamaanka, taas oo aad uga duwan habka ay u shaqeeyan xafiisyada kale oo dowladda.

· Xildhibaanada cusub oo aad ugu riyaaqay maamulka fiican ee ay kala kulmeen xafiisyada gudoomiyaha Baarlamaanka, xiligii ay qaadanayeen shahaadoyinka aqoonsiga, ID card, Nuqulada Dastuurka, Habraac dhaarta iyo doorashada iyo sidii quruxda badnayd ee loo soo agaasimahay xafladii dhaarta.

· Waxaa kale oo Jawaari can ku noqday odaynimo iyo isu jiid jiid xal raadin ah oo uu markasta isku dayi jiray marka ay soo ifbaxaan khilaaf siyaasadeed, in kasta oo mar marka qaar looga itaal roonaanayey jihaynta iyo xal ka gaarida qaabka uu urabo in khilaafka loo xaliyo.

· Cid ka fursad badan oo aan jirin maanta marka loo eego musharixiinta ilaa iyo hada tartanka kula jirta.

· Shaqada hortaal Baarlamanka oo ay uga dagsan tahay qorshayaal cad cad dhamaystirkooda madaama uu yaqaan waxa soo qabsoomay iyo wax dhiman.

· Dhex Dhexaadnimo marka loo fiiriyo la macaamilka xildhibaanada iyo talo dhagaysi marka wax la xalinayo, iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo aan u arkin shakhsi xisbi ama urur gooni ah ka tirsan.

Dhamaan fursadahaan waxay ka turjumayaan inuu si fudud ugu guulaysto xilka gudoonka baarlamaanka, taasna macanaheedu maahan in lagu cabiri karo guusha tartanka madaxweynanimada 2017, waxaa arinkaas daliil u ah sidaan oo kale 2012-kii markii la soo sharaxay Cali Khaliif iyo Xidig waxaa Jawaari u ololeynayey Cabdiwali Gaas iyo Sheikh Shariif oo labaduba ku qanacsanaa in kursigaan dusha u saaran siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna ku bixiyeen kharash badan ololihiisa doorasho, waxaana si fudud uga guulaystay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud oo aan kaalin mug leh ka qaadan musharaxnimada Jawaari xiligaas. Sidoo kale shirkii Embakathi ee lagu soo dhisay dowladii Cabdullahi Yusuf AUN uu Madaxweynaha ka ahaa ayaa waxaa dhacday inuu dadaal u galay sidii Xil. Sheikh Aden Madoobe uu ka dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka, balse Shariif Xasan oo ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedeen ayaa si fudud uga guulaystay, mana jirin saamayn ay ku yeelatay doorashii dhacday 04, Oct, 2004.

Haddaba akhristow waxaan maqaalkaan uga gol leeyahay inaan dadka u bidhaamiyo in gudoomiyaha Baarlamaanka qofka noqonaya Madaxweynaha uusan jaangoyn karin, waxaa intaas dheer in dhamaan musharixiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamula goboleedyada ay kala dhaxayso Xil. Maxamed Sheikh Osman Jawaari xiriir saaxibtinimo iyo wada shaqayn.

Waxaa Qoray:

Diraac Salaad Fagaase
La taliye sare oo ka tirsan Wasaarada Maaliyadda, horayna u ahaa Agaasimihii Warfaafinta Afartii Ra’iisul Wasaare ee ugu danabaysay.

 

Falanqeyn: Xassan Sheekh Halo Sheego, Hana Loogu Dhaarto In 4-tii Sano Ee Tagtay La Dilay 20-Xildhibaan

Xildhibaanada ayaa lagu  dilay Siyaabooyin  kala duwan ha u badnaadaan weeraro ay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen xarumo ay ku sugnaayeen,kuwa lagu dilay shirqool lasoo maleegay.

  1. 22-kii September sanadkii 2012-kii Xildhibaan Xaaji Mustafa Maxamed Cabdullahi, oo kamid ahaa Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa lagu dilay Mid kamid ah Xaafadaha Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxaa dilkiisa sheegtay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
  1. 6-dii December sanadkii 2013-kii Xildhibaan Maxamed Warsamed Maxamed oo kamid ahaa Baarlamanka Soomaliya ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa xili uu marayay afafka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, mas’uuliyada dilkaas waxaa sheegtay Al-shabaab.
  1. 22-kii Bishii December sanadkii 2013-kii rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay xildhibaan Xuseen abdisalaam oo kamid ahaa Baarlamanka Soomaliya xili uu ku sugnaa gudaha xaafada buul-xubey ee degmada Wadajir.
  1. 21kii, April sanadkii 2014-kii qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa lagu qaarijiyay Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo kamid ahaa Baarlamanka Federaalka Soomaliya.
  1. 22-kii bishii April sanadkii 2014-kii kooxo ku hubeysna Bastoolada ayaa toogasho ku dilay Ala Ha u Naxariistee Xildhibaan abdiazis isaaq Mursal oo kamid ahaa Baarlamanka Federaalka Soomaliya.
  1. 23-july sanadkii 2014-kii rag hubeysan ayaa ayaa dilay Ala Ha U Naxariistee Xildhibaanad saacado Cali Warsame oo xiligaas soo dhameesatay waajibaadkeeda shaqo xildhibano, waxaa rasaas ku furey rag hubeysan oo watay baabuur kuwa raaxadda ah, maalmo kadib waxaa sheegtay Al-shabaab, dowladda Soomaliya ayaa bil kadib gacanta kusoo dhigtay ninkii ka dambeeyay dilka.
  1. 1dii bishii August sanadkii 2014-kii rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa gudaha degmada Xamar weyne ku dilay Ex Xildhibaan aadan Madeer oo ahaa oo ahaa madaxa guddiga maaliyadda baarlamaanka Somalia, dilka waxaa sheegtay Al-shabaab.
  2. 9-kii Bishii February sanadkii 2015-kii rag hubeysana aya rasaas ku furey gaari uu watay Ala Ha U Naxariistee Xildhiban Abduaalhi Qayaad Barre oo marayay meel ku dhow xarunta Madaxtooyadda Soomaliya,mas’uuliyada dilk waxaa sheegtay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
  1. 20-kii bishii February sanadkii 2015-kii waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Ala Ha u Naxariistee Xildhibaan Cumar Furdug oo kamid ahaa Xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaliya.
  1. Isla 20-kii Bishii February sanadkii 2015-kii dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday Hoteelka Centeral Hotel waxaa halkaas mas’uuliyiintii lagu dilay kamid ahaa Xildhibaan Mohamed Duale Muse (Haji Coffee).
  1. 23-kii bishii May sanadkii 2015-kii Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya ayaa dilay Xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir, iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo marayay Degmada Xamar weyne ee Gobolada Banaadir,wasaaradda Amniga Gudaha Soomaliya ayaa xaqiijisay in falkaas ay geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
  1. 25-kii Bishii July Sanadkii 2015-kii kooxo Hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Ala ha u Naxariistee C/llaahi Xuseen Maxamuud Muuse Bantu oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia.
  1. Isla 25-kii bishii July sanadkii 2015-kii waxaa Isgoyska Korontada ee Degmada Wadajir lagu dilay Ala ha u naxariistee Xildhibaan C/laahi Xuseen Maxamuud, kadib markii gaarigiisa walxaha qarxa loogu xiray.
  1. 1-bishii November sanadkii 2015-kii Ala ha u naxariisteen waxaa waxaa la dilay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo kamid ahaa mas’uuliyiin ku sugnaa Hoteelka Saxafi oo Al-shabaab ay weerar ku qaaday galab cad.
  1. 7-dii Bishii November sanadkii 2015-kii rag hubeysan ayaa degmada Xamar weyne ee Gobolka banaadir ku dhaawacay Maxamed axmed Gurxan, oo 24-saac kadib ku geeriyooday sbitaalka Daaru-shifa ee Magaalada Muqdisho.
  1. 1-dii bishii june sanadkii 2016-kii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar qasaaro badan dhaliyay ku qaaday Hoteelka Ambaasadoor ee magaalada Muqdisho, waxaa mas’uliyiintii halkaas lagu dilay kamid ahaa Ex Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Kaba-weyne.
  1. Isla maalintaas waxaa la xaqiijiyay in weerarka lagu dilay Xildhibaan kale oo lagu magacaabi jirey maxamed Maxamuud Guurre oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya.
  1. 25-kii bishii June Sanadkii 2016-kii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Hoteelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho, labo kadib waxaa gudaha hoteelka laga soo saaray Meydka wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Burci Maxamed Xamze.

Waxaa jira laba Xildhibaan oo kale oo magacyadooda aan dib kaso bandhigi doono, hadaba Xassan halo sheego oo hadduu aamini waayo haloogu dhaaarto in Afartii sano ee uu xilka hayay la dilay 20-Xildhibaan.

www.allpuntland.net

Falanqeyn: Malyan Doolar Nin Mudane Ku Noqday, Maxaa Laga Sugayaa?

Ma laga yaabaa in dad badan oo siyaasadda dalka u dhaartay aysan aqoon macnaha dhaartu waxa ay tahay?!…waa weydiin qof kasta oo Soomaaliyeed madaxiisa ku soo dhici karta marka uu arko sida y u dhaqmayaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maalin kasta magaca Alle ku dhaaranaya hadana si ula kac ah oo ay ogyihiin dhaartii u jebinaya!….hadda ogow dhaartan ma aha tii luuqadda iyo hadalka qofku iska caadaystay ee Eebbeheen innaka cafiyay, ee waa dhaartiii qasdiga ahayd!…waliba waa dhaar uu ku jiro cahdi ummadda uu la gelayo qofka siyaasiga!.. waa dhaar amaano, oo mas’uuliyadeedu taabanayso qayb kasta oo ka mid ah nolosha dadka Muslimka ah ee xilka loo qabanayo……waxaa wanaagsanaan lahayd in culummada koleey mar keliya noqotana ay tagaan golayaasha siyaasiyiinta  aqalka golaha shacabka ama meelaha kale ee ay ku kulmaan nimankaas siyaasiyaasiyiinta ah oo ay u macneeyaan ama fahamsiiyaan waxa ay tahay iyo macnaha ay leedahay in magaca Alle lagu dhaarto!….. wax weyn baa khaldan…..Dad iska dhaaranaya maalin kasta oo waliba ku dhaaranaya balan qaadyo aysan rabin inay fuliyaan ama sameeyaan!……Ninkii ay la tahay inaysan dhoweynow wallee aakhiro ma foga!……

Wallee balo nimaan arag baa ka sheekeeya! Waxaan garan la’ahay  waxa dadkii ku dhacay!!….Bal adigu waxa dalkii ka dhacay sidee bay kula yihiin waxa dalka ka socda?! Rajadii iyo himmaddii dadku qabay waxay u egtahay inay ceel ku dhacday!…laakiin waxaa is weydiin leh dadkaan yaa isu soo soocay?! Dad isku wada mid ah! Yaa inoo soo helay dadkaan, dad dhammaantood doonaya inay ka faa’iaystaan oo wax ka dheefaan burburka dadkooda iyo dalkooda!…..Juuj-Wa- Ma’ajuuj! Marna ma soo xasuusatay?!  Wax ay hambayniyaan ma jiraan xataa biyaha badda midka ugu soo horeeya ayaa fuuqsanaya!….Ma kula tahay nin toban kun oo dollar oo dayn ah ku soo galay golaha shacabka oo aan shaqo kala haysan, dayntiina loo haysto inuu isagoo madax banaan madax-weyne Soomaaliyeed u codeynayo?! Mase kula tahay nin 30kun madax-weyne ugu tartamay ama 15kun guddoomiye barlamaan ugu tartamay, kharaj malaayiin gaarayana xil-dhibaannada uu codka ka helay ku laaluushay inuu u socdo inuu ummad iyo dal u adeego?!….Lacagtaan dadka murashaxiinta ah laga qaadayo, maxay ku salaysantahay?!…….Guddigii doorashada ee uu guddoomiyaha u ahaa Cumar-DHegeey lacagihii 10kun ahaa ee Xil-DHibaannada ay ka qaadeen maxay ahaayeen?!……Lacag!…..Lacag!…..

mucda-dhaarta

Doorashadii 2012kii shuruudaan ma jirin! Laaluushka iyo musuqmaasuqa waxay ahaayeen sheekooyin laysku xamanayay oo nin kasta uu dareemiyay inay tahay wax Eebbe uu xarimay oo ceeb ah meel  ka dhacna ku ah dadnimmada iyo xil-kasnimmada, laakiin heerka hadda arrintu marayso waa mid loo qaadan karo inay ka dambayso cadaawad fogaatay oo ujeeddadeedu tahay in lagu burburiyo dadnimmada qofka Soomaaliga ah!…..waxaadna moodaa in loo aqoonsaday wax sharci ah!…waxaa la dilay damiirkii qofka!…..lacagahan oo ay markii u horeysay Guddigii Doorashada ku xujeeyeen murashaxiintii labada xil-dhibaannada (10kun oo dollar) ayaa lacagaha lagu hagaajinayay xawaaladda Dahab-SHiil! Wali lama yaqaan sababta Dahab-SHiil bangigii dowladda looga door biday! Lama yaqaan sababaha lacagahaas murashaxiinta loogu xujeeyay ama shuruudda looga dhigay.

Lacagaha murashaxiinta laga qaaday lama qeexin waxa ay ku salaysan yihiin! 

Markii u horeysay oo lacago lagu  xiro dadka murashaxiinta ah waxay ahayd sanadkii 2004tii doorashadii ka dhacday dalka Kenya, waxaana qof kasta oo murashax madax-weyne ahaa lagu xiray inuu bixiyo lacag 2kun oo dollar ah ,laakiin waa la sheegay sababta lacagta  loogu daray shuruudaha qofka murashaxa ah laga rabo. In kasta oo markaas laf ahaanteeda aysan jirin wax qaynuun ahaa oo lagu saleeyay, hadana waxaa si cad loo sheegay sababta shurdaas loogu daray shuruudaha laga rabo murashaxiinta, taasoo lagu sheegay labo sababood; midda kowaad waxaa lagu sheegay in tirada murashaxiinta ay aad u badatay sidaa aawgeed la doonayo in lagu kala reebo!(laakiin taasi ma ahayn sabab macno xooggan samaynasa)….tan labaadna waxaa lagu sheegay in lacagtaas loo isticmaalayo adeegyada golaha shacabka, kaasoo aysan jirin meel ay wax ka soo galayaan isla markaasna aan joogin dalkii hooyo!…Iyadoo ay sidaas tahay hadana ma ahayn wax sharci ama dastuuri ah, hasa yeeshee waxaa golihii shacabka u xarootay lacag gaaraysa 56kun oo dollar!….

Marka laga hadlayo shuruudaha qofka murashaxa ah dunida waxay ka simantahay waxyaabaha aasaasiga ah ee la xiriira cadaynta muwaadhinmmada qofka murashaxa ah, waxaana xusid mudan in qofka murashaxa ah isaga loo sameeyo taageero dhaqaale (Fund Rising) si ay ugu suuro gasho inuu sameeyo olole uu ku soo ban-dhigayo siyaasaddiisa iyo fikradihiisa uu rabo inuu u sheego cod bixiyeyaasha (Voters)……lacagahaas lagu taageero wuxuu qofka murashaxa ah ku qabsadaa kulanno gaar ah oo ku marti qaado siyaasiyiinta uu ka rabo inay taageeraan oo siyaasaddiisa u ololeeyaan, ama xataa isu baxyo guud (Rallies) oo dad-weynaha uu kula kulamayo….lacagahaas la siinayo ee lagu taageerayo ma aha kuwo isaga gacanta loogu shubayo ama uu u adeegsan karo wax ka baxsan ololaha murashaxnimmadiisa ama doorashadiisa….. taasi macnaheeda waxaa weeye in qofka murashaxa uusan deyn gelin ama xoolihiisa uusan xafiiska uu u tartamayo ku imaan si uusan hadhow ugu malayn inuu lacagtiisa meesha ku yimid!…..Oo haddii lacag deyn ah ku ololeeyo oo xafiiska uu yimaado isagoo hal million oo deyn ah lagu leeyahay maxaa dhacaya?!… Malyan nin mudane ku noqday maxaa ka sugaysaa?!……

{Malyan dollar nin MUDANE ku noqday maxaa laga sugayaa?!……inuu dalka dhaco!… Inuu basaas noqdo! Inuu badda iibiyo!…wax kasta!…}

Annagu waan ka duwan nahay arrintaas oo xizbiyo iyo nidaam dowladeed, iyo dad-weyne codeynaya wali waan gaari la’nahay laakiin sida hadda wax u socdaan kama marna khayaano si ula kac ah ummadda nidaamkeedii dowladnimo iyo hannaankii ay horay ugu socon lahayd lagu burburiyay iyadoo waliba si dhib yar loo arki karayo inuu jiro qorshe ay dad yar doonayaan inay ku af-duubaan nidaamkii siyaasadeed ee dalka si ay ugu guuleystaan doorashada….Waxayse wali jawaab u baahan maxaa lacagahan murashaxiinta laga qaadayo lagu sababeeyay?! Maxaa lacagahaas Dahab-SHiil loogu shubay?! Waxaan iyadana muran uusan ku jirin in qofka nidaamkaas ku noqday Xil-DHibaan ama mudane golaha shacabka xubin ka ah ay yaratahay rajada laga qabi karo inuu si daacad iyo xil-kasnimo ku jirto ugu adeego ummadda!…..

Runtii nimankii arrintaan ka taliyay waxaa la oran karaa ujeedo aan fiicnayn bay lahaayeen, bal guddigii doorashada, iyo guddoomiyahoodii Qareen  Cumar Max’ed Cabdulle (Cumar-DHegeey) ujeeddada ay ka lahaayeen  in dadka xil-dhibaanimada u tartamaya ay bixiyaan 5-10kun oo dollar maxay ahayd?…..SHiikh SHariif Axmed markii la dooranayay xil-dhibaannadii 500 ahaa lacag laguma xujayn, Xasan SHiikh markii la dooranayay xil-dhibaannadii iyo murashaxiintii xilka madax-weynaha lacag laguma xujayn……dad badan waxay rumaysanyihiin in guddoomiyaha guddiga doorashada iyo madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud ay arrintaan labadooda ka timid iyagoo ujeedo la wada garnayo ka lahaa, laakiin waxaa nasiib daro weyn noqotay in Xil-Dhibaannadii ay raaceen dhabbihii ay nimankaas jeexeen ee foosha xumaa!…..Waxaan iyadana meesha laga saari karayn in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay taladaan wax ka ogaayeen ujeedo kastaba ha ka lahaadaanee.

Waxa ugu wanaagsan ee looga dawoobi karayo musuqmaasuqa lagu sameeyay hannaankii doorashada dalka waa iyadoo lacagaha laga qaaday dadkii xil-dhibaananimada isu soo rashaxay iyo kuwa madax-weynaha isu rashaxaya loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku tabaalaysan…run ahaantii waa arrinta keliya ee looga dawoobi karayo dhibaatada musuqmaasuqa dhacay iyo dhaawaca uu gaarsiiyay sharafta qofka mudanaha ah…..Waa tallaabo qayb ahaan noqon karaysaa hawl ay mudanayaasha baarlamanka u qabteen dadka iyo dalka, waana talaabo ay iyaga xil-dhibaannada ah kaga bagsoon karaan musuqmaasuqa ujeeddadiisu tahay in wax loogu dhimo sharaftii iyo haybaddii ay huwanaayeen iyo guud ahaan sharafta dadka iyo dalka…….Waana talaabo kor u soo qaadaysa himmadda dad-weynaha Soomaaliyeed isla markaasna mar labaad soo nooleyn karaysa inay ku kalsoonaadaan Xil-DHibaannada sidaasoo kalana dharbaaxo ku noqonaysa nin kasta oo ujeeddadiisu ahayd inuu ihaaneeyo Xil-DHibaannada!…..

Qore: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

Faafin allpuntland.net

Falanqeyn:-Qabyo Ninkeedaa dhamaystira, Ee aan Qaranka Boobo?

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaa lagu dhaariyey Kitaabka qur’aanka ah 10 Sept 2012, wuxuuna balan qaaday inuu ka dhabayn doono dhaarta uu ka hor akhriyey malaayiin Soomaaliyeed oo ka dhursugaysay isbadalka uu balan qaaday, wuxuuna ku saleeyey wax qabadkii lix tiir oo ay aad u fududayd in waraaq laga akhriyo, lakiin in la fuliyo ay u baahnayd, aqoon, khibrad siyaasadeed, Alle ka cabsi, dal jacayl iyo howl karnimo, wuxuuna soo bandhigay lix tiir oo uu ku saleeyey wax qabadkiisa,  afar sano kadib madaxweynuhu ma noosheegi karaa mid ka mid ah qodobadaas oo uu dhamaystiray?.

Afar Sano ka hor oo Madaxweyne Xasan Sheekh xilka qabtay, dalka waxaa qabyo ka ahaa arimaha soo socda.

-Sugidda amniga; waxaa jiray afar sano kahor yididiilo laga qabay in laga saaro dalka oo dhan kooxaha argagaxisada ah, waxay ku jireen kala carar iyo guur guuritaan, afar sano kadib waxay awood u yeesheen iney weeraro ku ekaayaan meel kasta oo ciidanku joogo, waxay la wareegeen saanad milatari oo isugu jira gadiid, hub iyo dirays ciidan, wali magaalda Muqdisho ayaa qaraxyada iyo dilalka marti u ah, waxaa kala daatay ciidamadii oo qabiil qabiil u howl gala, waxaa meesha ka baxay xuquuqdii ciidamadu heli jireen, taas waxaa daliil u ah in askari ka tirsan ilaalada madaxtooyada uu 31dii Diiseembar ee bishii ina dhaaftay uu ku dillo gudaha madaxtooyada taliye ku xigeenkii ciidanka madaxtooyada uuna baxsaday askarigii dilkaas geystay. Dilkaas oo sababtiisu ahayd markii uu waayey askarigaasi mushaharkiisii.

-Kobcinta dhaqaalaha: afar sano ka hor dadka Soomaaliyeed waxaa ka muuqatay rajo ay ku heli karaan maalgashi dibadda iyo gudaha ka yimaada, waxaana taas sabab u noqon kara in la helo nabad, nidaam dowladeed oo si habsami ah u shaqaynaya iyo shuruuc kala hagaysa nidaamka maalgashiga.

-Dhammeystirka Dastuurka oo uu balan qaaday inuu diyaarinayo jawi saamaxaya afti dadweyne, taas oo afar sano kadib guuldaro ku dhaamta

-Gaarsiinta wadanka oo dhan hanaanka doorashada ee hal qof iyo hal cod taas waxay noqotay riyo, wuxuu madaxweynuhu hortagay baarlamaanka, wuxuu si cad u sheegay in hal qof iyo hal cod aysan suurta gal ahayn, dibna waxaa loogu noqoday nidaam wax yar ka duwan kii oday dhaqameedku ay soo qorayeen xildhibaanada.

– Hirgelinta Federaalismka oo dalka la rabay in si nabad ah loga hirgaliyo ayaa abuuray colaado iyo dagaalo sokeeyo oo mararka qaar dadka soomaaliyeed xasuusinayey 1991, waxaa meesha ka baxay doorkii dib u heshiisinta ee madaxweyne qaran u istaagi lahaa, taas badalkeedana waxaa uu ku mashquulay hurinta colaado iyo iska horkeenka bulshada.

Maxaa ka qabyo ah madaxweynaha.

  1. Hantida qaranka ayaa waxaa ku socda boob aan la qiyaasi karin, waxaa isku koobay madaxweynaha, qoyskiisa iyo kooxdiisa damul jadiid, dhaci u danbeeyey wuxuu ahaa dhulkii Tarabuunka oo waagii hore lagu sameeyn jiray isu soo baxyada roob doonta, mudahaardyada nabada ku salaysan, isu soo baxyada qaran iyo goob ahayd in madaxda qaranku kala hadli jirtey shacabka.
  1. Caddaalad darada dalka ka jirta ayaa maraysa heerkii ugu sareeyey, maxkamadaha ayaa iyagu qofkii lacag wata kaliya u shaqeeya iyago oo dulmiya dhibanayaasha, waxaa xabsiyada ku jira kuwo aan loo haysan danbiyo halka danbiilayaashu ay si xor ah u dhex socdaan magaalada.
  1.    Maamul xumo baahsan ayaa dalka ka jirta, wasaaradaha dowlada ayaa si habsami ah u shaqayn, ma jiro isku xirnaan ka dhaxaysa maamulada dalka ka jira iyo wasaaradaha dowladda.

Qof walba oo Soomaali ah ayaa maanta dareensan in Madaxweyne Xasan Sheekh dalka ka khasaariyey afar sano, qabyna ka tahay dhamaysitirka hantida qaranka intii ka hartay iyo ba’binta astaanta qaranimo.

Marka dadweynow aan ku waydiiyee maxay ka dhigan tahay dooda Xasan Sheekh ee uu astaanta uga dhigtay “Qabyo ninkeedaa dhamays tira” jawaabtu sow ma ahan inta ka sii hartay boobkii iyo dhacii ummada iyo goobaha danta guud aan dhamays tirto ee 4 sanoo kale isiiya?

www.allpuntland.net

Falanqeyn:Ilhaan Cumar Iyo Saygeeda Oo La Qiirooday Xaalada Gaalkacyo, dalbadayna….

Bilowga Warbixinta—Goobtu waa Gaalkacayo  waana soo dhaweynta lammaanaha Axmad Xirsi iyo Ilhaan Cumar

Waxaa   dhici  doona is  wareejis,  markaas ayaan iri  waa  maxay is  wareejis? ma Allaabbaanahay?”  waa  Gogol dhiga   farriin qiiro xambaarsan.

Axamad Xiris iyo Ilhaan Cumar oo daggan  Maraykanka ayaa Socdaal ku tagay Gaalkacayo  oo ay ka taliyan labo maamul sida Galmudug iyo Puntland waxaa  xusid mudan Axmad iyo Ilhan  waa lammane), kasoo wada jeeda Gaalkacayo. Akhri Qudubad uu jeediyey Axmad Xirsi  kadib markii dhanka Galmudug loo soo galbiyey waxaa  lagu war geliyey farrintan”

Waxaa dhici  doona is  wareejis,  markaas ayaan iri  waa  maxay is  wareejis? ma Allaabbaanahay?”  

Waxaa  kasii darayd   Is  wareejiska hasocdee  waxaa farta nalooku fiiqay oo nala ku yiri   Galmudug  wataas  Ciidamadoodii  kadib  waanaxay  waxaana is  iri Tolow ma Xabbad ayaa bilaban doonta  waxaa dhici doona  oo soo socda{: kadib Wiilashii Asakarta Puntland ahaa   siday noosoo wadaan ayey   waxay dhex galen  Nimankii  kale ee Galmudug  wey  sheekeysten (Sigaar) ayey wada cabbeen,  waana wada sheekaysanayaan   waxaan is  weydiyey  oo waa  xaggee  meesha daggaalku kasocdo?  waa  xaggee  meesha  daggaalku ka socdo??   Haddaba  Reer Gaalkacayoodow  wax dhib badan ayaa tihiin ayuu yiri   Axmad Xiris oo kusoo koray Qurbaha  isagoo la yaban sababta  Gaalkacayo loogu daggaalamayo.

Axmad Xirsi oo hadalkiisa  siiwata  ayaa yiri  Reer Gaalkacayoodow”  wax bina’aadama  oo idin fahmaya ma jiro sababtu Rag  saaxiibo ah  hadana  xabbad  isla  dhacaya  oo hadana   walaalo ah   Tol ah Dad xiddid ah Dad Daris ah  Dad, Ilma adeer iyo Walaal ah Dad Seedi  iyo Soddog ah   oo hadana  aan lahayn meel loo raaco .  marka waxaan raba inana idin sheego Walaalyaal  dhalinyarada quruxda badan   ee Reer Gaalkacayo waxay u bahan yihiin  mustaqbal   iyaga iyo Carruurta ay dhali doonaan.  Uma bahnin  in maalin kasta la  (Agoomeeyo) Wii lama Gabar, in maalin kasta Gabar loosaaro Asey).

(Meesha  la- isku  daggaalayo) ama meesha lagu daggaalamayo)

Axmad Xiris oo’ aad  uga qiiraysan  ayaa   wuxuu  tusaale yar kabixiyey  Goobta lagu daggaalamayo  muuqaal ahaan  sida aytahay ,   wuxuuna yiri waxaan moodi jiray meesha lagu Daggaalamayo   waxaan moodi jiray  Geed  Dheyman, Malam, Dahab iyo  Lacag kasoo daadaneyso  laakiin waan tagay  waana Geed cidlaa  oo wax yaala aysan jirin. (Inaalilahi waa inaa-ilahay raajucuun) ayuu yiri    Axmad Xirsi  oo aad ula yaban Sababta Reer Mudugu isku laynayo meel cidlaa  oo wax yaala aysan jirin, oo Abaara.

(Gaalkacayo  iyo Istiraatiijiyada ay leedahay  ayuu Axmad Xirsi  ka hadlay)

Gaalkacayo  waa  goob    Istiraatiijiya, Gaalkacayo waa Astaanta) Soomaaliya oo dhan  Waqooyi iyo Koonfur, wuxuu yiri bal eeg, Gaalkacayo waxay isku xirtaa  Hargeeysa  Boosaaso  Kismaayo  Xamar , Gaalkacayo waa  (Astaan) Soomaaliya oo dhan  (Resources) ama Khayraad badan ayan yeelan karaa, Reer  Gaalkacayoodow  haddanahay,  labada dhinacba,  wuxuu  yiri Gaalkacayo waa   (strategic Location)  amba Goob Istiraatiijiya)- marka waa inaan  Maskaxda ka shaqeysiino sidan meeshaas  u maali lahayn ayuu  yiri  Axmad Xirsi oo ,aad  uga qiiraysan  ugana xun dhibaatada Gaalkacayo tal oo bilaa hadafkaa.

(Hoggaamiyayaasha Gaalkacayo   Maamulada Gaalkacayo ka taliya ayuu  Tusaale ka bixiyey)

Wuxuuna yiri  Aniga oo anan cidna eedeyneyn,  Xamar  markan jognay  Hoggaamiyayaasha maamuladda Gaalkacayo ka  arrimiya  Run ahaantii Xamar markan jognay Ragga, maamuladan maamula, Isku Goob ayaan (Shaah)  kuwada cabbayney, Wiilshiina  Bannaankaas ayey Xabbad isla dhacayaan.  Waxaas  looma dulqaadan karo. Muslinimo mahan Soomaalinimo ma -ahan Ayuu  kusoo koobay hadal Qiiro xambaarsana oo” uu ka jeediyey Gaalkacayo.   Axmad Xirsi  oo ah Seyga Ilhaan  Cumar  oo kamida Baarlamaanka Gobolka Minnesota, gaar ahaan degmada 60-B.

Sidookale  Xildhibanad Ilhaan Cumar  oo safarka ku wehelisay  Seygeeda). ayaa  goobtas  waxay ka jeedisay Qudbad lamida  mida Axmad, waxayna tiri markad meelahan oo kala timado  waad qiirooneysa , waxad leedahay dhulkan weyn  oo Quruxda   badan  oo Buuraha leh  maxaan uga faa’iidaysan la`nahay  maxaan isku jiid-jiidaneynaa?  Maalin kasta  ayey  weydiisay boqolal  goobta fadhiday. Maxaan isku taganahay  maxaan dhulkeenna  u dhisan karin, oo anan Walaaltinimadeenna  u xasuusan karin.

 Dhanka siyaasiinta

Waxay tiri Ilhaan  Cumar Cabdi, Siyaasiintu  waa  Dadka  Talada  loodhibay haddii aysan ka dhabayn  wixii  ay Dadka  kaballan qaden  waxay  noqonayan   beena-layaal  Birrina  waa lala xisaabtamaya.

Mida  seddaxad   waxaan rabaa  inaan   Siyaasiinta  Soomaaliyeed oo dhan  ugu baaqo   waa inay xasuusnadan  inay Iyagu  ilamo leeyihiin  oo mustaqbal u raban  Ilamhooda ‘ Hooyo kasta iyo (Abbe)  kastana uu  Ilmihiisa u rabo mustaqabal lamida midkaas.  Intaas  ayey   kusoo koobtay Ilhan Cumar oo ah Xubin ka tirsan Barlamaka Minneasota, ee dalka Marykanka  Asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya.

 Waxaa  diyaarshay

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye –arrimaha bulshada

www.allpuntland.net